Hargeysa(xogsoornews.com):-Wasiirka wasaaradda ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Xasan Nuur,ayaa dalka kusoo dhaweeyay wefti heer caalami ah oo u socda maalgashi in ay ku sameeyaan Somaliland



Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha JSL, Mudane Cabdifataax Ismaaciil Ducaale, ayaa maanta gegida diyaaradaha ee Egal International Airport kusoo dhaweeyay wafti isugu jira aqoonyahanno, ganacsato iyo maalgashadayaal oo ka socda ururka la yidhaa PLO Lumumba Foundation, kuwaas oo dalka u yimi inay indho-indheeyaan fursadaha ganacsi, maalgashi iyo horumarineed ee dalka ka jira.
Wasiirka iyo Agaasimaha ayaa si diirran usoo dhaweeyay waftiga una sheegay inay ku faraxsanyihiin booqashadooda soona dhawaynayaan iskaashi kasta oo ganacsi iyo maalgashi.
Wasiirka ayaa sidoo kale isla goobta kusoo dhaweeyay wafti ka socda shirkad caalami ah oo la yidhaa BUSG oo dalka u yimi inay dersaan fursadaha maalgashi ee ka jira iyo sidii ay iskaashi horumarineed ula samayn lahaayeen Xukuumadda JSL.
Labadan wafti ayaa dalka ku sugnaan doona maalmaha soo socda iyada oo ay la kulmidoonaan hay’adaha dawladda ee kala duwan ee ay khusayso isla markaana booqasho ku tagidoona kaabayaasha muhiimka ah sida Dekedda Berbera, Aagga Cashuuraha ka Caaggan IWM.
Dhinaca kale, xubno ku hadlayay afka waftiga ayaa iyaguna cabbiray sida ay ugu faraxsanyihiin booqashadooda isla markaana masuuliyiinta soo dhawaysay iyo guud ahaan Xukuumaddaba uga mahad naqay martiqaadka ay u fidiyeen iyo soo dhawayntaba.











