Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Sheegay In Khilaafka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Dib U Dhigi Karo Doorashada La Filayo Inay Somaliland Ka Dhacdo Sanadka 2017-ka

0
383

Hargeysa (Xogsoormedia.com) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo warbaahintu wax ka waydiisay inuu leeyahay han madaxweynimo iyo in kale ayaa sheegay inu xisbigu leeyahay musharax Madaxweyne laakiin siyaasaddu isbedbedesho isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi . “Waxaan intaas u socdo een siyaasadda ugu jiraa waxa weeye hammi, hamigaygu laakiin, hammi qaran weeye. Arrinta qaranna in fikraddaadu socotaa weeye. Fikraddaadana waa inaad adigu fulisaa, markaa aniga taas weeye muhiimaddaydu,”

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay in khilaafkan ka dhashay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye uu doorashada dib u dhigi karto waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya“Arrintaasi waa arrin xisbi, inkasta oo xisbigu si xun u maamulay oo laga dhigay arrin qaran oo ay olole galeen. Gole dhexe oo 400 ah oo fadhiisanaya in loo ololeeyo oo sidii shacabku cod bixinayaan loo abaabulo may ahayn. Waxan ka baxayaa in haddii ay jiitanto arrinta khilaafka Kulmiye inay dib u dhigi karto doorashada 2017-ka,”

Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa siwata waxaa uu intaas ku daray oo u yidhi “Imika arrin ayaa socota oo waxaanu isleenahay ma iska dhaafnaa qoladan(Dawladda Xasan Sheekh) intay ka baxayso meesha oo ma sugnaa dawladdaha kale. Labada dawladood ba hadda waxay ku jiraan doorasho. Intaan halka (final stage) ugu dambeysa la gaadhin wax badan ayaa la wada qabsan karaa oo dadkaa la isku fasixi karaa, waxbarashada, dhaqanka iyo arrimaha ammaanka ayaa la is dhaafsan karaa,”

 

Si kastaba ha ahaate hadalkan Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya xili u dhawaan uu sheegay in hadii  xisbigiisa nimanka musharixiinta u ah uu ku qanciwaayo uu u ololayn doono musharixiinta xisbiyada kale.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here