Maanso Talo San Maxamed Jaamac Xaashi (Abwaan Boodhari)·

0
2282

Talo San waa maanso cusub oo  uu curiyay Abwaan Maxamed Jaamac Xaashi(Abwaan Boodhari),waxaanay ku socotaa Maansadu Madaxweynaha la doortay ee Somaliland  Muuse Biix Cabdi,waxaanay Maansadu ka hadlaysaa guushii Doorashada Madaxweyne Muuse ka dib waxay bulshadu ka rejaynayso Madaxweynaha la doortay.

Waxaa kaloo ay Maansadu ka hadlaysaa doorashadii Somaliland ka qabsoontay 13,kii bishan qiimaha qaddiyda Somaliland siday kor ugu qaaday iyo in ay furtay albaab Somaliland ka dhigi dal aqoonsi buuxa caalamka ka hela.

Waxaa kaloo uu abwaanku maansadiisa kaga hadlay qorshayaasha Madaxweynaha cidda guul ka dhigi karta ama fashilin kartaa in ay noqon doonaan xubnaha xukuumadda uu dhiso waxaanu Madaxweynaha la doortay kula dardaarmay in uu xusho shaqsiyaad ka dhabayn kara himilada hoggaamintiisa ee u jeexan.

Hadbada aan idiin kala boxo Maansada Talo San iyo Abwaan Maxamed Jaamac(Abwaan Boodhari)

Tixdan maansadeen
Muusaw tirinayaa
Waa iga talliyo
Tusaalaha Qaran
Taama lagu helo.

Waana tii ay
Tageero mugliyo
Shacab tiro lihi
Kugu tuhmayeen.

Inaad tay halyey
Tahli karayoo
U tun ridan kara
Waxay tabayeen.

Dawlad tamarloo
Madax tayo liyo
Dhalin tacliinliyo
Tiro haween ahi
Ay ka taliyaan
Muusaw noo tusmee.

Talaabada hore
Wasiiro tunloo
Qorshahaaga taxan
Taabba galiyoo
Taariikhdu qortoo
Dhaxal nooga taga
Muusaw noo tusmee.

Waxaan tabayniyo
Hormarka togan
Kuwo na tusoo
Taam nooga dhigiyo
Tusan Muusaw.

Shacbi ku taboo
Samir taagsadoo
Sixir barar turqoo
Musuq tamar tiraa
Talo kaa Rabee
U tusmee wanaag.

Waxma taransade
Qaran uma tudhe
Tabaha musuqa
Tubta loo maro
Taabkeeda yaqaan
Tàash ha saarine
Muusaw naga tuur.

Tartankii la galay
Tariikh buu furoo
Dunidaan tusney
Inaan nahay tisqaad
Qaran taabo galoo
Gaar u taaganoo
La takoorayoo
Ictiraafka taba.

Wada tashi iyo
Is tix galin baa
Qaran tiigsile
Na tusaayee
Turxaanta dhamee.

Kuwi tanaasule
Nabada u tudhey
Turxaan saaroo
Waxay tabayaan
Talo ku dhamee.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here