Isbahaysiga Musharixiinta Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Yeedhmadii Xughayaha Xisbiga Una Gudbiyay Madaxweynaha.

0
365

Hargaysa:(Xogsoormedia.com)-Garabka Isbaheysiga Murashaxiinta Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe ayaa nuququl qoraal ah oo ay xalay soo saareen sitoos ah ugu socodsiiyay Madaxweyne Siilaanyo qoraalkaas oo ay kaga jawaab celinayeen qoraal uu dhawaan ku socodsiiyay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka dalbadey in ay mudo sadex maalmood gudahood ah iskaga xaadiriyaan Xarunta Xisbiga Kulmiye halkaas oo loogu sheegi doono shuruudaha looga baahan yahey.

Nuxurka Qoraalkan oo ay ku sexeexan yihiin Sadexda Murashax ee Isbaheysiga Murashaxiinta Maxamed Biixi Yoonis(Wasiirkii hore ee A Dibada),Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur(Kijaandhe),iyo Cabadicasiis Maxamed Samaale iyo waliba Murashaxan jagada Madaxweyne Kuxigeen Faarax Cilmi Maxamuud(geedoole), iyo Murashaxa jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.
Isagoo dhameys tiran Waxa
uu dhignaa qoraalkaasi sidan.

“Anagoo ah Murashaxiinta hoos ku sexeexan ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga jagooyinka Madaxweyne Kuxigeenka iyo Gudoomiyaha Golaha Dhexe, waxaanu halkan kagfa jawaabeynaa Qoraal warsaxaafadeed ahaan looga soo saarey Xafiiska Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye, oo Warbaahinta loo soo mariyay murashaxiinta daneyneysa in ay jagiooyinka u tartamaan Shirka Golaha Dhexe ee loo mudeeyay in uu qabsoomo 10 Bisha November 2015ka laguna wargalinayo Murashaxiinta in ay sadex cisho gudahood kuyimaadaan Xarunta Xisbiga si loogu sheego Sghuruudaha uyaala Murashaxnimadooda iyo xeer hoosaadka khuseeya arimahooda.

Hadaba waxaanu u aragnaa, in talaabadani tahay talaabo kale oo cid aan awood sharci u laheyni ay si badheedh ah u maroorsaneyso”
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here