Ciidamada New-Police Ka Oo 23 Ruux Ku Dilay Gobolka Galguduud Ee Xadka Soomaaliya Iyo Itoobiya.

0
374

Muqdisho(Xogsoormedia.com) Ciidamada ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee kilarka Shanaad loona yaqaano New Police ayaa la sheegay inay deegaano ka tirsan dhulka ay soomaalidu degto ku laayeen dad xoolo dhaqata ah una badan dumar iyo caruur.

Nabadoon Deeq Cabdi Rayid ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka New Policeka ahi ay dad reer guuraa ah ay ku laayeen xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaana gobolka Galgaduud.
waxaanu nabadoonku intaas ku daray in 23 qof ay shalay qudha ka jareen,dadkani oo ahaa dad xoola dhaqata reer guuraaya.

waxaanu nabadoonku baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya in arintan ay soo faragaliso ayna kula xisaabtanto Ismaamulka Soomaalida Itoobiya xasuuqa ay ciidankooda u geesteen dadka Soomaaliyeed ee Reer Guuraaga ahaa.

Xogsoormeida.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here