Hargeysa(Xogsoormedia.com) Cabdicasiis Maxamad Samaale iyo musharixiinta kale ee isbahaysiga oo maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa sheegay inaanay ka qayb galayn shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo qabsoomaya 10 bishan maalinta salaasada ah.
waxaanu cabdicasiis cod dheer ku sheegay inaanay ka qayb galayn isaga oo sabab udhigay in madaxweynuhu cid gaara u afduubay shirkan.