Hargaysa(Xogsoormedia.com)- Wasraadara Arrimaha Gudaha Qaybteeda Diwaan Galinta  Madaniga Ah  waxa ay  saaka Xabsiga U Taxaabtay  Muwaadin Cabdixakiin Jaamac Maxamed Abokor  oo  doonayey  inuu  marlabaad iska  diwaan galiyo  Xarunta wasaarada isaga oo hore  iskaga diwaan  Galiyey  Magaalada Burco Xarrunta Gobolka Togdheer.
Muwaadinka Ayaa Sever-ka Diwaangalinta Madaniga ah ee Wasaaradu Soo qabtay Kadib markuu damcay inuu marlabaad qaato Card-ka oo uu magic kale ku qaadanaayey waxaana Muwaadinkan oo warbixintiisu hoos ku caday maanta loo taxaabay Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargaysa.
Amarka Xadhigan Ayaa waxaa Bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha

Sidaa Darteed Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Waxay uga digaysaa bulshada ku Dhaqan dalka inay laba jeer qaataan Card-ka Muwaadinka taasi oo ay kala kulmi doonaan cawaaqib Xumo kuna mutaysan doonaan Xadhig Dheer.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland
			
		









