Xafiska Imtixanaadka Qaranka: Hay’ad Gudatay Waajibkeedii oo Mudan Abaalmarin Qaran: Fallo Faysal Xiis AfgaabDalka Jamhuuriyadda Somaliland markii ay la soo noqotau madaxbannaanideeda
Guud ahaan waxkasta eber ayaa laga soo bilaabay waxaana loo qalab qaatay dib u dhiska dalka dhammaan hay’adaha dawladda oo burbursan ayaa lagu bilaabay shaqo adag oo u baahan hawlkar iyo dhabar adayg.
Somaliland markii ay aayaheeda ka tashatay cid waliba laamaha dawladda ee loo igmaday hirgelinteeda ayay u dhaqaaaqeen.
Halka aan u soconnaa waa xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland oo dhabarka u ritay in ay soo saaraan arday qish ka fayaw oo xogtoodu kaydsan tahay laga soo bilaabo ardaydii ugu horraysay ee ka baxda dugsiyada hoose dhexe illaaa fasalka afraad ee dugsiyada sare ee dalka ardaydii ugu horraysay ee ka qalin jebisa dugsiyada dalka Somaliland illaa maanta ardayda ku jirta xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland wuxuu ku guulaystay in dhammaan xogta ardayda Somaliland tahay diiwaan cad oo xogtiisu sugan tahay.
Waana wax aan ka suura gelin dawlado badan oo dunida sadexaad sh.
Waxaa kale oo xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland uu ku guulaystay in aan mar keliya Imtixaanka qaranka xog dibedda uga bixin isla markaana ahaado sir qaran oo aan la heli karin.waxaa kale oo uu ku Guulaystay xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland in marnaba aanu dib uga dhicin xilligiisa Imtixaaanka shahaadiga ah ee qaranka u qorshaysan.
Waxaa kale oo wax xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland uu ku guulaystay in ardayda reer Somaliland ee deeqaha waxbarasho dibedda ka hela ay qaranka u soo hooyeen guul waxbarasho oo uu ku suntanyahay xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland sababtoo ah waxaa is leh ardayda deeqaha waxbarasho dibedda ugu baxay iyo shahaadada ay ka sitaaan xafiiska Imtixaanaadka qaramka iyo heerka ay ku baaseen oo sax ah.
Haddaba xafiiska Imtixaanaadka qaranka Somaliland was hay’ad gudatay waajibkeedii oo mudsn in lagu maamuuso shahaado sharaf qaran
Waana in looga abaal gudo hawsha baaxada leh ee ay qaranka u hayaan isla markaana lagu abaal mariyo wanaagga ay qaranka ka mudan yihiin