Kulan lagaga arrinsanayay Amniga Guud ee dalka oo ka dhacay taliska Ciidanka Booliska
Hargeysa (Xogsoornews.com):- Shir muhiim ah u amniga guud ee dalka ayaa maanta ka dhacay taliska guud ee ciidanka booliska JSL.
Shirkan waxa ka qayb-galey taliyaha Ciidanka Booliska JSL, hogaamada, taliye qaybeedada iyo guddida heer Qaran ee qaban-qaabada munaasabadda 18-ka May, iyagoo la falanqeeyay arrimo la xidhiidha sugidda nabadgelyada munaasabadaha qaran .
Shirka ayaa si gaar ah loogu lafo-guray hab-raacyada la iska kaashanayo sugidda ammaanka inta lagu jiro xuska maalinta qaranimada Somaliland, 18-ka May, iyadoo la adkeynayo muhiimadda ay leedahay in xasilloonida iyo kala dambeyntu ay ahaadaan tiir-dhexaadka munaasabadda.
Masuuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xarriiqay doorka weyn ee ciidamada ammaanku ku leeyihiin ilaalinta amniga Qaranka iyo sidii bulshadu ugu dabbaaldegi lahayd munaasabadda si nabad ah.