Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Siciiid Jaaamac Guddoomiye ku xigeenkii Guurtida oo Geeriyooday

0
32

 Hargeysa(Xogsoornews.com)-: Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ka hadlay haqsiyaddii Marxuum Siciid Jaamac Cali,Guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Geeriyooda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa qaranka Somaliland,goleyaasha dawladda,qoyskiisii iyo guud ahaan shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo Hargeysak u geeriyooday.

War-saxaafadeed  ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo Madaxweynaha Somaliland kaga hadlay  Geerida Marxuum Xildhibaan Siciid Jaamac Cali Guddoomiye ku xigeenkii golaha Guurtida Somaliland,ayaa u dhignaa Sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya Magaciisa, ka Dawladda iyo ka Shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Ehelka, Qoyska, Qaraabada, Golaha Guurtida iyo guud ahaanba Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Marxuum Siciid Jaamac Cali oo maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/09/2025 ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Siyaasi Talo-qabeen ahaa oo kaalin lama illaawaan ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Dawladnimada Qaranka JSL, kana mid ahaa Haldoorkii dhidibbada u taaqay Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu geerida Marxuumka si gaar ah uga tacsiyeynayaa Shirguddoonka iyo Xubnaha Golaha Guurtida oo uu hoggaankooda ka tirsanaa, waxana uu mar labaad Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdawsa ka waraabiyo, Ehellada, Qoyska iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin.”