Hargeysa(Xogsoornews.com):- Wasiirkii hore ee wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland ahna Madaxda sare ee Xisbiga Waddani ee Ameerika,ayaa ka hadlay geerida Guddoomiye ku xigeenkii golaha guurtida Somaliland Marxuum Xildhibaan Siciid Jaamac Cali.
Waxaanu yidhi ” kullu nafsin daa’iqati Mawt,naf waliba way dhimanaysaa waana xaq geeridu,maanta waxaa ka baxay Somaliland tiir qaran iyo isku haye umadeed oo nabad doon ahaa oo guurti ahaa oo illaa nabadayntii beelaha Somaliland iyo isu keenistii bulshada Somaliland illaa maanta u taagnaa isu keenidda bulshada walaalaynta una taagnaa wakhtigiisana u huray dhismaha qaranka Somaliland iyo xallinta khilaafaadka iyo daminta iyo ka odayaynya colaadaha beelaha.
ALLLE waxaan uga baryayaa in uu Marxuumka u naxaristo oo uu jannooyinkiisa ka waraabiyo,guud ahaan qaranka Somaliland qoyskii ehelkii iyo bulshada Somaliland ee uu ka baxayna uu samir iyo Iimaan ka siiyo.”