Xildhibaan Barkhad Maxamed Hurre oo Qaranka JSL ka Tacsiyeeyay Geerida Guddoomiye ku xigeenkii Golaha Guurtida

0
37

Hargeysa(Xogsoornews.com):- Xildhubaan Barkhad Maxamed Hurre oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland,ayaa goleyaasha Qaranka  Somaliland qoyskii ehelkii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyay Geerida  Guddoomiye ku xigeenkii golaha Guurtida Somaliland Marxuum Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo Hargeysa ku geeriyooda.

Waxaanu  Xildhibaanku Marxuumka ku sifeeyay tiir  dhexaad weyn oo qaranka Somaliland ka baxay isla markaana ahaan waayeel taliya oo wakhtigiisa u huray walaalaynta iyo isu keenista bulshada Somaliland,kana soo qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

Xildhibaan Barkhad Maxamed Hurre ayaa Marxuumka ALLE uga baryay in uu u naxaruusto oo jannooyinkiisa ka waraabiyo,qoyskii,ehelkii, goleyaasha qaranka gaar ahaan guurtida oo uu ka tirsanaa ahaana guddoomiye ku xigeenka koobaad ee  golahaas iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna in uu samir iyo Iimaan ka siiyo.