Xukuumadda Cabdiraxmaan la shaqayn mayno illaa meel Madaxweynuhu Saaro Gafka Warbaahinta Madaxtooyadu Nagula kacday.” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale

0
28

“Xukuumadda Cabdiraxmaan la shaqayn mayno illaa meel Madaxweynuhu Saaro Gafka Warbaahinta Madaxtooyadu Nagula kacday.” Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Ceerigaabo((Xogsoornews.com):- Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland isla markaana ka mid ahaa madaxdhaqmeedka ka shaqaynayay nabadaynta gobolka Sanaag laga soo bilaabo nabadsyntii Ceel-afweyn iyo gogoshii nabada ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag oo ahayd gogol nabadeed oo u dhaxaysay guud ahaan bulshada gobolka Sanaag,ayaa sheegay in aanu Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro la shaqaynayn inta meel la saarayo gef uu sheegay in ay jula kaceen warbaahunta Madaxtooyada Somaliand oo uu ku eedeeyay in ay waji kale u yeeleen muuqaalada ay ka baahiyeen shirkii Nabada Sanaag ee Ceerigaabo.
Waxaanu ku eedeeyay warbaahinta Madaxtooyadu in ay jar jartay qudbadihii ay ka jeediyeen gogosha nabada iyo soo dhawaynti.
Waxaanu Suldaan Siciid intaa raaciyay in muuqaalada ay baahiyeen warbaahinta Madaxtooyadu in ay ahaayeen kuwo u markhaati furaya hadalo uu sheegay In ay ka soo yeedhayeen cadawga Somaliland

Suldaanka oo waraysi siiyay shabakada wararka Xogsoor isla markaana ka hadlay sabab uu warbaahinta dawlada qayb ka mid ah ugu diiday waraysi in uu siiyo,ayaa yidhi.”adeerow warbaahinta dawladda waraysina siin maayo xukuumadda Madaxwe Cabdiraxmaan na la shaqayn mayno.. sababtoo ah illaa meel la.saaro oo aanu Madaxweynaha iska aragno oo gefka warbaahinta madaxtooyadu nagula kacday kiiskeeda cidi yeelato oo ciqaabteeda la mariyo Xukuumadda na la shaqayn mayno waxna isugu iman mayno.”
Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo la waydiiyay gefka uu ka hadlay ee uu ku eedeeyay in ay kula kacday warbaahinta Madaxtooyadu,ayaa yidhi.” Gogoshi nabada ee qaranka oo dhami uu wada lahaa ee ay isugu yimaadeen madaxdhameedkii dalka daraf illaa daraf oo ay ka soo qayb galeen suldaanka guud ee beelaha Harti iyo Ugaaska guud ee beelaha Samariin ee nabadeeda laga wada shaqaynayay ee Madax dhaqameedku aanay u kala hadhin in ay muuqaaladii ay duubeen sidsy doonaan ay ka yeelaan oo wixii la sheegayay ee aanu lahayn ma jirto iyo hadaladii cadawga Somaliland ay u markhaati furaan oo nabadii qaran ay ka dhigaan nabad laba beelood wax aanu qaadanayno maaha in muuqaaladii warbaahinta madaxtooyadu ay duubtay laga sii daayo hadalkii Suldaan Siciid(suldaanka beelaha Harti) iyo hadalkii Suldaan Xiiray oo laga dhigo gogol labaa beelood waa gef ay nagula kacday warbaahinta Madaxtooyada oo diiday in wariyeyashi gobolkuna ay ka duubaan dhankooda. Markaa geftaa warbaahinta Madaxtooyadu naga gashay ee labada suldaan oo keliya muqaalkooda ay ku baahisay dhammaan madaxdhaqameedkii kale ee Somaliland na laga tegay inta aanu madaxweynaha iska arkayno lama shaaaynayno madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.”ayuu yidhi Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale.