Dararweyne (Xogsoornews.com):- Kooxda fanka Ciidanka qaranka ee Gaashaan ayaa barnaamij wacyi gelinn ah ka dhigay shalay dugsiga Tababarka ee Dararweyne. Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka oo ay hogaaminayeen Ku xigeenka madaxa Hoggaanka wacyi gelinta Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle Dhexe Kayse Maxamed Goolle iyo Taliyaha kooxda Fanka Ciidanka Qaranka ee Gaashaan Dhamme Axme Cabdillaahi Wacays, ayaa shalay barnaamij bandhig faneed wacy gelin ka ka soo dhigay dugsiga tababarka ciidanka qaranka ee Darar-weyne.
Ku xigeenka Madaxa hoggaanka wacyi gelinta ciidanka qaranka gaashaanle Dhexe Kayse iyo Taliyaha kooxda Fanka ciidanka qaranka ee Gaashaan Dhamme Axmed-wacays iyo kooxda ay hoggaaminayeen markii ay gaadheen dugsiga tababarka ciidanka qaranka ee Darar-wayne waxaa hlkaa ku soo dhaweeyay taliyaha dugsiga Taliyaha dugsiga tabarabarka dararweybe Gaashaanle Sare Maxamed Daahir jibriil (Sharbi). Taliyaha Dugsiga sarkaal xigeenka haragwaafi Gaashaanle Sare Cabdi Xasan Maxamed (Cabdi Jabane) iyo Taliyaha kuliyadda layli Saraakiisha Gaashaanle Sare Axmed Maxamed Ismaaciil (Jabiye).
Ku-xigeenka Madaxa Hoggaanka Wacyi gelinta Ciidanka Qaranka oo soo bandhigga Barnaamijka wacyi gelinta ah ee ay fooxda Gaashaan ka dhigtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Qaranka ee Darar-weyne hadal kooban madasha ka jeediyay,ayaa sheegay in hoggaanka wacyi gelinta iyo kooxda fannaaniinta ciidanka qaranka ee Gaashaan oo fulinaya amarka taliya ciidanka qaranka in ay barnaamij wacyi gelin iyo waddan jacayl ah u sidaan ciidanka qaranka ee ku jira dugsiyada kala duwan ee Darar-weyne.
Dhamme Axmed Cadbilaahi wacays oo furay bandhig faneedka kooxda Gaashaan ugu talo gashay ciidanka qaranka ee dugsiga Darar-weyne, ayaa bayaamiyay in bandhig faneedka wacyi gelinta ah ee ay kooxdu u siddaa uu yahay bandhig faneed Xambaarsan duruus waddaniyadda iyo dal jacayla ah, isla markaana ka hadlaysa la dagaalanka qabyaaladda iyo waajibaadka ciidanka qaranku u aasaasan yahay.
Intaa ka dibna waxay kooxda fanka ciidanka qaranka ee Gaashaan ay halkaa ku soo bandhigtay bandhig faneed xambaarsan waajibaadyada kala duwan ee saaran ciidanka qaranka,dhaqan suubannaanta iyo ku dhawrsanaaanta Diinteena suubban ee Islaamka,ka dheeraanta qabyaaladda,balwadaha iyo ku toostaanka amar qaadashada iyo kala dambaynta.
Waxaa kale oo bandhig faneedku ka hadlayay sida ciidanka qaranku dalka tiir ka haya u yahay iyo sida ay isugu xidhan yihiin gudashada waajibaadkiisa iyo helista xuquuqdiisa uu qaramka ka mudan yahay.Markii bandhig faneedku soo dhammaaday waxaa ka mahad celiyay wacyi gelinta muhiimka ah ee kooxda gaashaan soo bandhigtay ciidan waynaha ku jira dugsiga tababarka Darar-wayne.













