Hargeysa(Xogsoornews.com):-Wasiirka Arrimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiya ah oo qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Findland
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuruyadda Somaliland, , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Findland Xasan Cumar Hurre.
Wasiir , Ayaa Guddoomiyaha ka dhegaystay Warbixinta Guud ee Jaaliyadda Somaliland ee dalka Finald iyo dedaalkooda ay kaga jiraan ictiraaf-raadinta Qaranka iyo Iskaashiga dhexdooda ah ee adkaynta Qarannimada iyo Midnimada Somaliland.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Findland Xasan Cumar Hurre Ayaa si ballaadhan UGA mahadceliyay sida qiimaha iyo milgaha leh ee uu u soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Ministry of Foreign Affairs – Somaliland











