“Soomaaliya Dagaal kulama Jirno.”Madaxweynaha Somaliland

0
23

Wajaale(Xogsoornews.com):-Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirrro,ayaa sheegay in Somaliland aanay Soomaaliya dagaal kula jirin isla markaana aanay  wax nacayb ah u qabin  balse ay Somaliland  danteeda ka tashsnayso oo ay ku hawlan tahay horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.

Madaxweynaha Somaliland oo  maaanya ka hadlayyay dhagax dhigga Mashaariic waawayn o laga hirgelinayo banka wajaaale.

“Innagu Soomaaliya dagaal kulama jirno,mana qabno Somali naceyb iyo cuqdad, aayaheena ayaynu ka tashanay innaga oo xor ah. Hawl badan ayaa Soomaaliya u taala, maamul goboleedyadoodii ayaa kala irdhoobey oo ay isku keeni kari waayeen, haddana waxa la yaab leh inay qaar cusub samaynayaan, sheekadooduna waxay u eeg tahay Islaantii xaabada qaadi kari wayday ee tiri inkale iigu soo dara”Madaxwaynaha JSL, Dr. Cabdiraxmaan Cirro