MADAXTOOYADU UMMADDA OO DHAN AYAY KA DHAXAYSAA”. WASIIRKA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO U QUUS GOOYAY KOOXO FARXADU LA TARAARTAY OO GARABKA GUDDOOMIYAHA KULMIYE LA SAFAN

0
313

Hargeysa (Xogsoormedia.com) Wasiirka cusub ee Wasaarada Madaxtooyada, Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka dhawajiyay talaabo miyirqabka ku soo celin kara kooxo farxadu la taraartay oo garabka Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi la safan. Xubnahan oo guuxa guushee gashadooda durba bulshadu dareentay, sidoo kale layaab laga muujiyay sidaanay qorshahoodaba ugu darin in Xisbul xaakimkii KULMIYE wali kala qaybsan yahay, ayaa waxa soo baxay dareeno ay dadka kaga xigsanayaan Qasriga Madaxtooyada oo guud ahaan u dhaxeeya shacbiga Somaliland

Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah masuul waayo arag ah muddo dheerna ku soo dhex-jiray saxada siyaasadda, ayaa jeediyay baaq uu kaga sii afeef dhiganaayo dareenadaas, taas oo uu ka sheegay munaasibadi uu xilka kula wareegay, waxaana hadalkiisa kamid ah maruu arrimahaas ka hadlaayay.

.”Madaxtooyada waxaa ka taliya Madaxweyne Damal ah oo dadka oo dhami wada hoos hadhsanaayo, ummaduna waa inay Madaxtooyada isugu timaado.” Wasiirka oo ka hadlaaya dhibta ay leedahay in Shacbigu ka magaan Qasriga Madaxtooyada iyo inay cid gaar ahi sheegato wuxuu yidhi.

“Ummadda oo kuugu imanwayda halka looga taliyo (Madaxtooyada) waxay muujinaysa in Maamulkas iyo Madaxweynahaasi aanay ahayn qaar shacbiyad leh oo ummaddu ka sii durkayso ama laga yaraanayo. Waxaanan leeyahay sidii ay Madaxtooyadu hore u ahayd ee kaadhadh keeda la kala guri waayi jiray ee ay labeentii iyo mudantii dadku imanayaan waxay cadayn u tahay in hoggaamin wanaagsan iyo rajo halkan (Madaxtooyada) jirto.”

Wasiirka cusub ee Madaxtootada Mud. Maxamuud Xaashi Cabdi oo markale ka hadlaaya masuuliyada isaga gooni ahaan u saaran inuu sidii ay ahaan jirtay ee ummadda oo dhan u dhaxaysay uu ku maamulo xarunta Madaxtooyada wuxuu yidhi. “Anigana masuuliyadaha i saaran waxaa kamid ah inaan dariiqaas lagu soo shaqeeyay ku shaqeeyo oo ah Madaxweynaha himiladiisa, ummaddu halkan isugu timaado iyadoo kala aragti duwan, iyadoo kala axsaab duwan, iyadoo kala degaano duwan waayo ummaday halkani ka dhaxaysa. Madaxweynuhu marna waa hormuudka iyo Madaxa Xukuumadda, marna waa hoggaamiyihii Qaranka Mucaarid iyo Muxaafid, Bari iyo Galbeed, lab iyo dhedig ummadda oo dhanbuu oday u yahay. Sawirkaasi anigana waa masuuliyad isaaran oo aan Madaxweynaha la xaqiijiyo in aanu ummadda isugu faanino ee aanan u kala faanin.”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho: Baligubadle Media.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here