Nuxurka Kulan dhexmaray Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

0
83

UAE(Xogsoornews.com);-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan oo safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta,ayaa kulan la yeeshay tqliyaha mullatariga dalka Imaaraadka CarabtaLieutenant General Engineer Eisa Saif Mohammed Al Mazrouei,

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan oo safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Millatariga dalkaasi Imaaraadka Carabta Lieutenant General Engineer Eisa Saif Mohammed Al Mazrouei, iyagoo ka wadahadlay iskaashiga ciidamada labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliyaha Ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale kulankooda kaga wadahadlay sidii ay ciidamada Imaaraadka Carabtu Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarka iyo casriyeynta ciidamada Somaliland, loogana caawin lahaa tignoolojiyada ciidamada iyo horumarka guud ee la doonayo in dawladda Somaliland ay gaadhsiiso ciidanka qaranka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa dalkaasi Imaaraadka Carabta ayaa ka qayb-galaya Masrax Caalami ah oo ah oo lagu soo ban-dhigo tiknoolajiyadda dhinaca Difaaca iyo Iskaashiga Amniga oo lagu qabtay magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo socon doona ilaa 23 February 2025.
Kulankan uu Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan uu maanta la qaatay Taliyaha Guud ee ciidamada dalka Imaaraadka Carabta ayaa guul iyo horumar u ah ciidamada qaranka Somaliland iyo guud ahaanba hiigsiga iyo himilada ay dawladda cusub ee Somaliland doonayso inay gaadhsiiso ciidamada Somaliland.