“Shacbigu Waxay Idinka Filayaan in aad Doorashooyinkii u Qabataan.” Madaxweyne Cirro

0
11

“Shacbigu Waxay Idinka Filayaan in aad Doorashooyinkii u Qabataan.” Madaxweyne Cirro

Hargeysa (Xogsoornews.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa si weyn uga hadlay doorka muhiimka ah ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isagoo ugu baaqay inay si caddaalad iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadka doorashooyinka ee qaranka.
Waxaanu intaa ku daray Madaxweynaha Somaliland in bulshadu Komishanka doorashooyinka ka sugayaan in ay u qabtaan doorashooyinka.

Waxa uu si gaar ah u soo dhaweeyay Garyaqaan Cabdirisaaq Maxamed Siciid, oo maanta loo dhaariyay xubin ka tirsan guddida doorashooyinka Qaranka JSL, waxaanu tilmaamay in dastuuriyan uu dhaarinay guddoomiyaha maxkamadda sare ee JSL
Mudane Cirro ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dhammaan xubnaha Komishanka dedaalka iyo hawlkarnimada ay muujiyeen, isaga oo xusay in kooxda hadda joogta ay sii wadi doonto hawshii horay loo bilaabay, taasoo ay wadeen khubaro iyo dad waayo-aragnimo leh oo ka soo shaqeeyay doorashooyin iyo diiwaan-gelinno badan oo hore.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay Komishanka in ay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin lagu kalsoonaan karo, kuwaasoo ka turjumaya rabitaanka shacabka Somaliland.
Waxaanu yidhi. “Guud ahaan Garsoorayaal baa tihiin, shacbigu waxay idinka filayaan in aad Doorashooyinkiina u qabataan, Garyaqaan Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo aynu maanta halkan ku soo dhawaynayno, xilka uu Qaranka u qabanayona loogu dhaarin doono, sida Dastuuriga ah waxa inala jooga gudoomiyihii Maxkamadda sare oo waajibaadkaa gudanaya.
Waan idiin mahadnaqayaa Komishanka dhammaantiin, waxay ila tahay uun waxa uu dhamays tirayaa xubnihii Doorashooyinka u qaabilsanaa Doorashooyinka, waxaanu ku biiri doonaa kooxdaasi khabiirada ah ee ka horeeyay.
Waa rag muddo badan ku soo jiray hawsha, hawlo badan oo Qaranku leeyahay soo qabtey Doorashooyinkii u danbeeyay iyo diiwaan-gelino horena soo qabtey, saaxiibadaa baa kugu soo dhawayn doona sida ay hawsha u wadeen.”