Hargeysa (Xogsoornews.com) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), ayaa ka hadlay qorshe ka wasarad ahaan ay wadaan oo lagu yaraynayo isla mataana wax lagaga wabanayo shilalka gaadiidka oo sababa qasaare nafeed iyo mid hantiyeed ba maalin kasta.
Wasiir Cismaan Ibraahin Nuur(Afgaab). Waxaa kale oo uu shaaciyay tirakoob ku saabsan shilalka gaadiidka ee dalka ka dhacaya ee maalin laha ah tiradooda.
Wasiirku waxa uu sheegay in celcelis ahaan maalin kasta ay dalka ka dhacaan 21 ilaa 22 shilal gaadiid, kuwaas oo sabab u noqda dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aad u badan.
Wasiirka ayaa xusay in baahida loo qabo qorshe cad oo lagu yareeyo shilalka waddooyinku ay marayso meel fiican, isagoo ku baaqay in dhammaan bulshada iyo hay’adaha dawladda ee khusayso arrintaas ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xakamayn lahaa khasaaraha joogtada ah ee ka dhasha shilalka.
Mudane Afgaab waxa uu sidoo kale tilmaamay in talooyin badan oo ku saabsan sugidda amniga gaadiidka iyo hagaajinta jidadka la diyaarinayo, kuwaas oo ay wasaaraddu dhawaan soo bandhigi doonto, si looga hortago khasaaraha Naf iyo maal ee sii kordhaya.
Waxaanu yidhi.“Ceel celis ahaan shilalka maalintii dhaca waa 21 ilaa 22 dhimasho iyo dhaawacba way keenaan iyo burbur hantiyeedba”











