Burco(Xogsoornews.com):-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo safar shaqo ku maraya gobolada bari ee dalka isla markaana ku sugan xarunta gobolka Togdheer ee Burci,ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga gobolka Togdheer, Mustafe Sheekh Maxamuud, iyo guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga.
Kulanka ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo rugta ganacsiga ee Togdheer ayay kaga wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga Wasaaradda iyo rugta ganacsiga, loona xoojin lahaa nidaaminta iyo sharciyeynta ganacsiga si uu gacan uga geysto koboca dhaqaalaha gobolka.
Wasiir Cabdiraxnaan Xasan Nuur ayaa kulanka ka sheegay in wasaaraddu ka go’an tahay dhiirrigelinta ganacsatada iyo fududeynta adeegyada ay u baahan yihiin, isaga oo xusay muhiimadda uu leeyahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta ganacsatada iyo Hay’adaha dawladda.











