Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Abtidoon Oo Goordhaweyd Loo Dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya.

0
294

 

Muqdisho(Xogsoormedia.com)— Wasiirka arrimaha gudaha iyo Fadaraalka Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa maanta loo dhaariyay xubinimda Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.

Waxaana lagu bedelay  Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo 1-dii bishan ku geeriyooday weerarkii Xarakada Alshabaab ay la beegsatay  Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho oo ay dad badani ku dhinteen.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo lagaga doodayay sharciga warbaahinta ayaa shi gudoonka Baarlamaanka waxaa ay sheegeen inuu jiro xidhibaan, lagu bedelayo booska Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon, waxaana si lama filaan ah kulanka u hor-yimid Wasiir Odawaa oo lagu bedelay Xildhibaan.

Waxaanay shirgudoonka baarlamaanka Soomaaliya islamarkiiba wasiir Odowaa ay u dhaariyeen xubinimada baarlamaanka Soomaaliya isaga oo Odowa mudada 10-ka bilooda ee u hadhsan baarlamaaka uu ka sii mid noqon doono.

Xubinimada Wasiir Odowaaa ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo beegmaysa xili ay jirto hadal hayn dhanka dawlada ah oo ah isku shaandhayn golaha wasiirada ah,iyada oo ay suurtagal tahay in Odowaa laftiisa uu ka mid noqdo wasiirada isku shaanta lagu sameynaayo.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here