Wararka Ka Soo Baxaya Iska Hor Imaadkii Ka Dhacay Duleedka Magaalada Paris+ Halkan Hoose Kaga Bogo Sawirada Sidii ay Goobta Wax Uga Dhaceen

0
379

 

Paris(Xogsoormedia.com) Ciidamada Booliska ayaa Weerarku qaaday guri ku yaala xaafada Saint Denis ee duleedka magaalada caasimada dalka Faransiiska ee Paris.

Waxaanay ciidamadani raad goobayeen nin lagu tuhunsan yahay inuu maleegay weeraradii todobaadkii dhawaa lagu qaaday caasimada Paris ee dalka Faransiiska, oo ay ku dhinteen dad gaadhaya ilaa 229 qof

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdulxamiid Abaa-Cuud, oo ah nin haysta dhalashada Belgium asal ahaana ka soo jeeda wadanka Morocco, ayay baadigoob ugu jireen laamaha amaanka ee wadanka Faransiisku, waxaana markii hore la rumaysnaa inuu ku sugnaa dalka Suuriya.

Waxaanay Boolisku xaqiijiyeen in laba ka mida dadkii la tuhunsanaa ay ku dhinteen hawlgalkan ciidanku fuliyeen,

Waxaanay dacwad oogayaashu sheegeen in gacanta lagu dhigay saddex nin iyo haweenay ah dadka lagu tuhunsan yahay qarixii dhawaantan dhacay.

Sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay dhawrka mida ciidanka booliska ee Faransiiska.

Waxaana la maqlaayay intii uu socday hawlgalkani israsaasayn xoogan oo ka socday goobahan dadka lagu tuhmay.

 

werar paris (1)werar paris (2)werar paris (3)werar paris (4)werar paris (5)werar paris (6)

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here