Hargeysa(Xogsoornews.com):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha Somaliland Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi Jibriil oo ka mid ah madaxda sare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa caddeeyay in sharciyan qabashada shirwaynaha xisbiga uu ku dhawaaqi aro isla markaana uu muddayn karo guddoomiyaha xisbiga oo ah Guddoomiye Maxamed Kaahin Axmed.
waxaanu meesha ka saaray in xisbiga KULMIYE ay dad suuqa jooga arrimihiisa ka hadli karaan isagoo sheegay in deegaanada uu ka soo jeedo madaxdii Xisbiga ee deegaankiisu ay ku midaysan yihiin xisbiga isla markaana shaqsiyaadka hadlayaa ay yihiin tiro aan laba illaa sadex ka badnayn.
waxaanu meesha ka saaray in Guddoomiye Mxamed Kaahin uu yahay ku meel gaadh. waxaanu iftiimiyay in Maxamed Kaahin yahay guddoomiyaha Xisbiga wax ku meel gaadh ahin aanay meesha oollin.
\waxaa kale oo uu intaa raaciyay in xildhibaanada xisbiga iyo siyaasiyiinta xisbiga ee hoggaankiisa ka mid ah ee deegaankiisa ka soo jeeda ay yihiin xubnaha ku metelaya KULMIYE.
Waxaanu jawaab kooban ka bixiyay hadalkii wasiir hore Buuni.
haddaba waraysi dhinacyo badan taabanaya oo lala yeeshay wasiir hore Dr Cabdiwali halkan ka daawo.