Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa ka hadashay sababta ay u hakisay wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan badbaadada Carruurta ee UNICEF.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye,ayaa sheegay in ay Wasaaraddiisu hakisay wada shaqayntii ay la lahayd Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF taasoo uu sabab uga dhigay in UNICEF ka soo bixi wayday shaqadii ay ahayd in ay ka qabato Somaliland kuwaasoo ah kuwa ay ku soo qaadato lacagaha ay Somaliland ka hesho dalalka lacagaha ku bixiya arrimaha ay UNICEF ka shaqayso looguna soo dhiibo in ay hawlo kala duwan kaga qabato dalka Somaliland.
Waxaanu Agaasimaga guud intaa ku daray in ay Madaxda UNICEF in ay ka wada hadli doonaan siday u wada shaqaynayeen iyo sababta UNICEF ay u fulin wayday shaqooyinkii u qorshaysnaa muddo badan in ay dalka ka qabato.
Waxaanu sidaa ku sheegay Agaasime Saleebaan Jaamac Diiriye waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay shabakada Wararka Xogsoormedia.com.
Ugu horrayn Agaasimaha Guud oo aanu waydiinay siday wax uga jiraan wararka sheegaya in ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay Hay’adda UNICEF iyo sababa keenay ayaa,ayaa ku jawaabay. way jirtaa inaanu hakinay ka wasaarad ahaan shaqadii aanu wada lahayn Hay’adda UNICEF ka dib markii ay ka soo bixi wayday hawlo aad u badan oo ay ahayd in ay dalka ka hir galiso waanan hakinay wada shaqayntii aanu la lahayn waxaanan arrintaa u gudbinay madaxda UNICEF ee xafiiskooda Nairobi sababtoo ah cidda dalkan u joogtaa waa hawl wadeeno aanaan ka wada hadli karayn arrimaha aanu u hakinay wada shaqaynta aanu la lahayn UNICEF.”
Agaasimaha oo aanu waydiinay waxyaabaha ay UNICEF ka soo bixi wayday ee dhankooda ku baaqsaday ee ay u hakiyeen wada shaqaynta,ayaa yidhi. “Horta UNICEF lacag ma siiso Somaliland oo iyadu ma haysato lacag ay dal siiso, laakiin waxaa UNICEF la soo mariyaa lacagaha ay dalalka Caalamka qaadhaanka siiyaa ugu talo galaan in wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka carruurta oo UNICEF ay u qaabilsan tahay qaramada Midoobay iyo guud ahaan hawlaha ay fuliso. Markaa UNICEF waxaa ku baaqday hawlo badan oo ay ku soo lacag qaadatay isla markaana ay ahayd in ay ka hir galiso Somaliland. UNINEF Somaliland,iyada ayaa dank u qabta sababtoo ah waxaa ka soo gala dhaqaale ay caalamka kaga hesho taasoo ka mid ah dhaqaalaha ay ku shaqayso. Markaa dantooda ayaa ku jirta in ay sida ugu wanaagsan Somaliland ula shaqayso UNICEF, arrintaana dhakhso ayaan uga wada hadlaynaa madaxda uvu sarraysa Hay’adda ee Nairobi.”
Agaasimaha oo aanu waydiinay halkay ku kulmayaan Madaxda UNICEF iyo goorta ay is arkayaan,ayaa ku jawaabay. “Madaxda UNICEF waxay naga codsadeen in aanu isku aragno caasimadda dalka Kenya ee Nairobi laakiin waanu ka diidnay waxaanan ku war galinay in aanu ku wada hadlayno Somaliland oo aanaan Nairobi ugu tegayn laakiin ay Madaxda UNICEF ku qasban yihiin in ay Hargeysa yimaadaan oo aanu ku wada hadalo sababtoo ah cidda shaqadu ku baaqatay waa UNICEF,iyaga ayaana laga doonayaa in ay caddeeyaan sababta ay ugu baaqatay iyo sida ay u fulin doonaan.”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Jaamac Diiriye oo u waramayay shabakada Wararka Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland