Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegtay In Ninkii Hubka Ka Soo Dega Xeebaha Sanaag Lagu Tuhunsana Uu Galay Buuraha.

0
303

 

 

                                                                                                                                                            

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Wasaradda arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay nin hubaysan oo salaasadii la soo dhaafay ciidanka qaranka kula dagaalamay gudaha Magaaladda ceerigaabo, Kaas oo ku eedaysnaa in uu hub sharci darro ah kala soo degay xeebaha gobolaka sanaag, ka dibna ciidanka amaanku ay dabagal ku hayeen oo ay isku dayeen in ay ka soo qabtaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha magaaladda ceerigaabo.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxansaxo, ayaa xaqiijiyey in uu ninkaasi hubaysan ee ciidanka la dagaalamay ka baxay gudaha magaaladda ceerigaabo oo uu buuraha galay, isla markaana ay ciidanka qaranku ku raad joogaan soo qabashaddiisa, isaga oo sidoo kalena sheegay in ay dejinayaan xaaladdii ka dhalatay soo qabashada ninkaasi ee ay ku dhaawacmeen dad shacab ahi.

Maxamed Muuse Diiriye  oo ka hadlaya tallaabooyinka ay illaa hadda qaadeen waxa uu yidhi “Badhasaabkii Gobolka Sanaag wuu baxay oo gobolkii ayuu aaday, madaxdhaqameedna way u bexeen ceerigaabo oo marka hore arrin dhaqan ayaanu ku eegaynaa arrinta ceerigaabo ka taagan, wixii dambe ee tallaabo ah ee la qaadayana aroorta (maanta) ayaanu ka tashanaynaa sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa, Duqa magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur si wanaagsan ayuu ka yeelay wixii ka dhacat ceerigaabo oo dadkii wuu dejiyey”

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo aanu waydiinay caddaymaha ay illaa hadda ninkaasi ku hayaan ee uu dambiilaha ku noqday iyo wararka sheegaya in uu hub la soo degay waxa uu ku jawaabay “Anigu ninka qoon badan uma lihi laakiin waxa la igu yidhi waa sarkaal ciidanka Booliska ka tirsan oo xidigle ah ama laba xidigle ah, markaa hubkan la sheegayo in uu la soo degay iyo wararkan kutidhi ku teenta ah weli geestiisa maanaan waraysan, laakiin kollay nin hawl sharci darro ah ku jiray uun weeyaan waana dambiile oo hawshiisa waa lagu daba jiraa, ninkaasi magaaladda wuu ka baxay haddii uu baxayna kollay buuraha ayuunbuu gelayaa, magaalada laakiin wuu ka baxay, ciidankuna way ku raadjoogaan oo waakii taliyaha qaybta ee sanaag sheegay oo waa dambiile naga maqan, wixii uu falayna halkeedii ayey taallaa oo waxa uu ku kacay tallaabo aan loo baahnayn oo ka baxsan shaqadiisiina, wixii kale ee dhacay dawladdu sidii ay u xallin jirtay ayey u xallinaysaa”

Ugu Dambayn Wasiir Maxamed Muuse Diiriye waxa uu sheegay in go’aanka wasaaradda arrimaha gudaha iyo mawqifka ay arrintaasi ka leedahay uu yahay in la soo qabto ninkaasi lana baadho wixii ceerigaabo ka dhacay sidii ay u dheceen, waxaanuu yidhi “Go’aanka Wasaaradda arrimaha gudaha ee rasmiga ahina waxa weeyaan in la soo qabto ninkaas dambiilaha ah, wixii dhacay sidii ay u dheceenna la baadho weeyaan”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Somalilandrise.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here