Xiisad ka jirta Beledweyne kadib markii lagu diley sarkaal ka tirsan hay’ada Mine Action   

0
374

 

(Xogsoormedia.com)— Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne kadib markii shalay ciidamada amniga magaalada Beledweyne ay dileen sarkaal u shaqeynayay hay’ada Mine Action ee gobolka Hiiraan.

Inta badan ganacsiga magaalada Beledweyne ayaa xiran iyadoo lagu arkayo qaar kamid ah wadooyinka magaalada maleeshiyo beeleed ka soo jeeda sarkaalka gelinkii dambe ee shalay lagu diley magaalada Beledweyne.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada iyadoo dadaaladaasna uu horkacayo Ugaas C/maan Ugaas Khaliif.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa lagu diley magaalada Beledweyne Mahdi Xasan Shiikhaal oo ka mid ah saraakiisha hay’ada Mine Action isagoo ku sii jeeda gurigiisa.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad ku beel ah sarkaalkan ay ka caroodeen dilkiisa waxayna xirteen qaar kamid ah wadooyinka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Dawan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here