Tuesday, September 22, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Al-khayraat Jet:Shirkad u Bushaaraysay Bulshada

Al-khayraat Jet:Shirkad u Bushaaraysay Bulshada

0
59

Hargeysa( (Xogsoornews.com)Guddoomiyaha Shirkadda Al-khayraat Jet, ee daabacaadda, nashqadaynta iyo qurxinta gaadiidka, Eng. Cabbaas Ibraahin Cismaan,,ayaa bulshada ugu bushaareeyay qiimo jaban adeeg hufan iyo deg degsiimo. Waxaa kale oo uu ka farxiyay dhammaan qoreyaasha dhaqaale la,aan usoo bandhogi kari waayay buugaagta ay curiyeen ee ka dhex guuxaya maankooda diyaarna u yihiin in ay soo bandhigaan.waxaanu u ballan qasday qoreyaasha dhaqaale la,zanta u daabici kari wayay in Ay shirkadda Al-khayraat Jet diyaar u tahay in ay maal geliso buugga uj qoruhu haho isla markaana ay soo saarayso.
Guddoomiye Eng Cabbaas,waxaa kale oo uu sheegay in shirkaddu door muhiim ah ka qaadato dhiirrigelinta dhallinyarada hal-abuurka leh, gaar ahaan kuwa qora buugaag aqooneed oo bulshada anfaca balse aan haysan awood dhaqaale oo ay ku daabacaan wax-soo-saarkooda.

Eng. Cabbaas ayaa sheegay in shirkaddu diyaar u tahay inay gacan siiso dhallinyarada hal-abuurka leh, isaga oo xusay in shirkaddu sidoo kale qayb ka tahay taageerada ciyaaraha, isla markaana ay jiraan kooxo ay shirkaddu maalgeliso iyo naadiyo garoomada ciyaaraha ugu buufiya adeegyo bilaash ah.
“Waxaan gacan siinnaa dhallinyarada hal-abuurka leh iyo ciyaartoyda, cid kasta oo adeeg u baahanina waxaan kusoo dhawaynaynaa adeeg hufan,” ayuu yidhi xili uu warbaahinta Dawan siinayey waraysi uu ku eegayey arimaha ganacsiga iyo sida shirkadaha ganacsigu uga qayb qaataan gacansiin dhalinyarada hal-abuurka leh.

Waxa uu tilmaamay in Al-khayraat Jet, ay bixiso adeegyo kala duwan oo la xidhiidha daabacaadda iyo nashqadaynta, kuwaas oo ay ka mid yihiin daabacaadda 3D, boodhadhka iyo agabka kale ee xayeysiiska, iyo adeegyo kale oo badan. Waxa kale oo shirkaddu qabataa qurxinta gaadiidka, gaar ahaan kuwa loo diyaarinayo munaasabadaha sida qalin-jabinta iyo meheradaha, iyo samaynta astaamaha gaarka ah ee shirkadaha iyo hay’adaha ku shaqeeyaan.

Guddoomiyaha Al-khayraat Jet, ayaa bulshada si gaar ah ugu boorriyey inay waqtigooda geliyaan akhriska iyo barashada aqoonta, isaga oo sheegay in wakhtiga badan ee lagu bixiyo baraha bulshada loo beddeli karo akhriska buugaagta diinta, aqoonta iyo taariikhda, kuwaas oo qofka u noqon kara faa’iido uu ka helo noloshiisa adduun iyo aakhiro.

Dhanka kale, Eng. Cabbaas ayaa sheegay in shirkaddu macaamiisheeda u ballanqaadayso adeeg degdeg ah oo tayo leh, isaga oo xusay in Al-khayraad ay ku dadaasho inay bixiso adeegyo qiimo macquul ah, isla markaana ay si dhakhso ah u dhammaystirto dalabaadka. Waxa uu tusaale u soo qaatay qurxinta gaadiidka oo uu sheegay in shaqooyinka qaarkood lagu dhammaystiri karo muddo kooban oo gaadhaysa 10 daqiiqo, halka boodhadhka iyo adeegyada kale ee daabacaaddana si degdeg ah loo diyaariyo loona rakibo.

Eng. Cabbaas waxa kale oo uu sheegay in shirkaddu qayb ka qaadato barnaamijka “Miskiin Kaal”, isaga oo xusay in shirkaddu ay bulshada dib ugu celiso qayb ka mid ah faa’iidada ay ka hesho ganacsigeeda, si loogu taageero dadka nugul iyo qoysaska danyarta ah.

Shirkadda Al-khayraat Jet, ayaa adeegyada daabacaadda iyo nashqadaynta gaadhsiisa gobollada kala duwan ee dalka, iyadoo xarunteeda guud ku taallo degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan Fooqa Jiciir ee dhinaca galbeed kaga beegan Jiic-aboorka.