Monday, October 26, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Shacabka Somaliland way ka Garaad Badan yihiin Beenta Hadhaaga Faqash

Shacabka Somaliland way ka Garaad Badan yihiin Beenta Hadhaaga Faqash

0
19

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Tan iyo markii uu doorashadii Somaliland ku guulaystay Xisbiga Waddani isla markaana talada dalka uu la wareegay madaxweynaha Somaliland Mude Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,waxaa ka soo yeedhaysy siyassiyiinta hadhaagii Faqash ee ku sugan Soomaaliya i. Marba mid yidhaahdo Madaxweyne Cirro wakhtigii ololaha wwx baanu isku ogayn.

Sheekadaas waxay sii xoojiyeen oo ay warbaahinta siyaabo kala duwan uga sheegeen walina la soo taagan yihiin markii qaranka Somaliland uu helay aqoonsigii ugu horreeyay ee uu ka helo dal ka mid ah qaramada midoobay oo ah waddanka Sraa,iil.

Waxay Fiqi.fahad Yaasiin,Sanbalooshe iyo siyaasiyiin kale  oo aad u tiro badan ku cel celiyeen Madaxweyne Cirro khiyaameeyay oo ay iisku ogaayeen in ay ka wada shqeeyaan wax ay ugu yeedheen midnimada Soomaaliya.

Hadalada kasoo yeedhaya faqash ka hadhkii shalay jariimadda ka gaystay Somaliland isla markaana imika ka mid ah ragga geed dheer iyo mid gaaban ba u  fuulay in ay Somaliland si uun dhibaato uga dhex abuuraan,ayuu isku daygoodii ugu dambeeyay noqday in ay tijaabiyaan in ay iska hor keenaan Madaxweynaha qaranka ee Aqoonsiga keenay iyo shacabka Somaliland isla markaana ay yidhaahdaan waxaan isku ogayn in Soomaaliwayn aan ka wada shawayno,taas oo ah been aan waxba ka jirin.

Waxaa  kale oo aanay ogayn Fahad kii Muqdisho ka samaystay xarumaha dadks lagu qalo iyo kuwa ee la  midka ah in aanay hadalkoodu ka duwanayn hadaladii ay ka midaysnayen ee ahaa Somaliland ma jirto.waxaan u sheegaynaa cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland in aanay iska hor keeni karin Somaliland Shacabkeeda iiyo Xukuumadeeda.hadalka been abuurka ah ee ay ka sheegayaan Madaxweynaha qarankana waa islu daygii ugu dambeeyay ee madaxda Xamar isku dayaan