Tuesday, October 27, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Agaasimaha guud ee Maaliyadda oo ka Hadlay muhiimadda Kastamada ee Dhaaaalaha Dalka

Agaasimaha guud ee Maaliyadda oo ka Hadlay muhiimadda Kastamada ee Dhaaaalaha Dalka

0
40

Hargeysa(Xogsoornews.com):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Maxamed Saleebaan Xasan, ayaa sheegay in kastamadu ay yihiin qaybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka.

Waxaa kale oo uuu xusay in ganacsigu aanu xuduud lahayn, iyadoo dalalka qaarkood mideeyay tacriifadda iyo xeerarka.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Kastamadu ay yihiin qaybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka, ayna ka shaqeeyaan fududeynta ganacsiga iyo kuwa xuduudaha ka gudba.

“Kastamadu waa qaybaha ugu muhiisam ee dhaqaalaha waddankeena, inta badana waxay ka shaqeeyaan arrimaha fududeynta ganacsiga iyo kuwa xuduudaha ka gudba. Ganacsigu xuduud ma laha inta badana kastamada wadamada qaarkood tacriifada iyo xeerarka waa la mideeyey ba, markaa haddii aanay xeerarkaasi si caalami ah la shaqaynayn ganacsigaagu waa hadhayaa.” Agaasimaha Guud ee Maaliyadda JSL, Maxamed Xasan