Hargeysa(Xogsoornews.com):-Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka JSL, Maxamed Faarax Cabdi, ayaa kormeer ku tegay waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, oo ay waxyeello ka soo gaadhay roobabkii da’ay.
Maareeyaha ayaa qiimayn ku sameeyey xaaladda waddada iyo meelaha uu roobku waxyeelleeyey, iyadoo si degdeg ah loo bilaabay hawlaha dayactirka iyo wax-ka-qabashada burburka, si loo sugo badqabka dadka isticmaala waddada.












