Hargeysa(Xogsoornews.com)Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL Mudane Pro. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka dibadiisa, isagoo markii hore ka mid ahaa weftigii la socday Madaxweynaha Somaliland ee tegay Maraykanka.
Godoomiyaha golaha wakiilada oo wefitaga uga baydhay dalka Ingiriiska halkaasi uu mudda ku sugnaa sida uu ku sheegay maruu ka hadlayey intii uu ku sugnaa gudaha madaarka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargaysa.
Waxa uu yidhi”waxan ka mid ahaa weftigii Madaxweynuhu ku tagay dalka Maraykanka, Waxa aan ku yara habsaamay, maanta dalkaygii ayaan ku soo guryo noqday”.
Guddoomiyaha ayaa waxa madaarka diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ku soo dhaweeyey, gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada iyo guurtida iyo sidoo kale Wasiiro.











