Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Jamaal Cali Xuseen oo dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Siilaanyo

Jamaal Cali Xuseen oo dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Siilaanyo

0
477

Hargeysa (CH)- Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku fashilantay ilaalinta Xoriyatul-qawlka & Madax-bannaanida Saxaafadda Somaliland.

Aqoonyahan Jamaal oo maanta u warramay qaar ka mid ah warbaahhinta waxa kale oo uu sheegay inay Xukuumaddu ku fashilantay siyaasadda Arrimaha dibadda oo uu sheeegay inay hoos uga dhacday heerkii ay markii hore taagnayd.