Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Madaxtooyadda Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Ka Qaybgalka Madaxwaynaha Ee Munaasibadaha Qalinjabinta...

Madaxtooyadda Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Ka Qaybgalka Madaxwaynaha Ee Munaasibadaha Qalinjabinta Jaamacadaha

0
439

Xubnaha Looga Digay Jaamacadaha Ayaa Waxa Ka Mid Ah Faysal Cali Waraabe, Jamaal Cali Xuseen, Faadumo Siciid Iyo Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa (CH)- Sida ay xoggo laga helay saraakiil sare oo ka tirsan Jaamacadaha dalku sheegeen, madaxtooyadda Somaliland ayaa shuruud adag ku xidhay ka qaybgalka madaxwayne Siilaanyo ee munaasibadaha qalin jabinta ardayda jaamacadaha kala duwan ee dalka, kuwaas oo ku khasabtay maamulka jaamacadahaasi inaanay ku casuumin shan xubnood oo ka mid ah madaxda xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

DSC_0052Sida ay Xogahaasi xusseen xubnaha xisbiga UCID ee ay madaxtooyadu ku dooday inaanay qalin-jabin ay joogaan aanu madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aanu ka soo qaybgalaynin ayaa waxay kala yihiin Guddoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen, Xoghayaha warfaafinta Marwo Faadumo Siciid iyo Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Kulmiye Boobe Yuusuf Ducaale.

Sidoo kale xafladihii u danbeeyey ee ay ku qalin jabiyeen ardayda reer Somaliland ee dhamaystay kuuliyadaha kala duwan ee jaamacadaha dalka oo ay ugu danbaysay munaasibadii maanta ee ay ku qalin jabiyeen arday badan oo wax ka baranaysay jaamacada Admas qaybteeda magaaladda Hargeysa,  iyadoo uu munaasibadaasi ka qaybgalay madaxwaynaha Somaliland, isla markaana aanay garbihiisa ka muuqanin masuuliyiintaas mucaaridka ee aynu xussnay, isla markaana sida ay xogahaasi sheegeena markii danbe telefoon lagu soo casuumay Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee ICID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) iyo Xoghayaha guud ee Waddani Mr Uurcade.

Dhinaca kale Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaa wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen si wayn uga dhexmuuqan jiray munaasibadaha qalinjabinta ardayda jaamacadaha kala duwan ee Somaaliland, isla markaana siyaasadayn jiray munaasibadaha qalin jabinta iyadoo ay marmarka qaar dhici jirtay in madaxwayne Siilaanyo uu eedo iyo dhaliilo horleh u soo jeedin jiray madaxwaynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo garabkiisa fadhiya, kaas oo aan isaga iyo xukuumadiisuba ay adkaysi u lahaan jireen dhaliilaha mucaaridka uga yimaada, iyagoo aan marna isku dayin inay Maamulka Jaamacadaha dalka culays ku saaraan inaanay mucaaridka ku soo casuumin munaasibadaha qalin-jabinta.