
Hargeysa, Somaliland, November 11, 2014 (Codka Hargeysa / Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay duhurkii hawlgal ciidan ku fullisay Boodhadh ay ku sawiran yihiin Laba Suxufi oo ku xidhan Gabiley iyo Labada Wargeys ee HUBAAL iyo HAATUF.
Boodhadhkan oo Faras Magaalaha Hargeysa lagu dhejiyey doraad ama maalintii saxaafadda aduunka ayaa Ciidammo Boolis iyo dhar cad ah oo ku qalabaysan sallaamo loo diray duhurkii shalay kuwaas oo ka fujiyey Birihii ay sudhnaayeen oo ku yaallay is goyska Baar Hargeysa agagaarka Kaaraha ee wadada faras magaalaha Hargeysa.

Boodhadhkan oo ay xukuumadu ku hambabartay ayay ku xardhan yihiin Hal ku dhegyo Ku Suntan Maalinta Saxaafada Somaliland oo doraad la xusay, kuwaas oo Muujinaya tacadiyada loo gaystay xukuumadda iyo hay’adaha warbaahineed ee HUBAAL iyo HAATUF oo wali xidhan.
Lama garanayo sababta hasa yeeshee ilo wareedyo gaar ah oo aanu haley ayaa tibaaxaya in hawl galkani qayb ka yahay tallaabo lagu dambabasayo tacadiyada warbaahinta iyada oo ay maalmaha soo socda ay dalka ku soo fool leeyihiin Weftiyo Caalami ah oo u badan Qaadhaan bixiyeyaasha iyo wadamada reer galbeedka ee Somaliland ka caawiya arimaha dimuqraadiyada iyo doorashooyinka kuwaas oo xukuumaddu ka hor tagayso in marka ay dalka yimaadaan Indhaha ku dhuftaan cabashada warbaahinta Somaliland.
Dhinaca kale wariyeyaal ay ka mid yihiin tifaftiraha Wargeyska SAXAFI Mustafe Sheekh Cumar oo xilligiii ay boolisku jarayeen Boodhadhkan Goobta ka ag dhawaa ayaa saacado kooban xidhnaa kadib markii ay ciidanku ka war heleen isaga oo sawiro ka qaadaya hawl galkooda, waxaana tifaftiraha oo Intii uu xidhnaa lagu dhex hayay Gaadhiga Booliska loo gaystay jidh dil sahlan oo Dhirbaaxooyin iyo hantidaadi ka md tahay.
Tallaabadan ayaa ka dambaysay maalin uun markii dalka si weyn looga xusay maalinta saxaafada Somaliland isla markaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inaanu ogolayn in lagu xad gudbo xuquuqda warbaahinta gardarrooyinka iyo gabbood fallada loo gaysanayana aanu ogolayn.










