Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Hargeysa: Hay’ad Ka Shaqaysa Caafimaadka Oo Dhintay Afartameeyo Shaqaale Ah

Hargeysa: Hay’ad Ka Shaqaysa Caafimaadka Oo Dhintay Afartameeyo Shaqaale Ah

0
458

IMG_37A5E1-2358CA-B3093F-497091-819C69-BA5B96

 

Hargeysa, Somaliland, December 12, 2014 (Codka Hargeysa) – Hay’adda HPA ee ay wada shaqeynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka gaar ahaan gobolka Maroodi jeex ayaa la sheegay inay dhintay afartan shaqaale ah oo muddo afar sanno ah kula shaqaynayey si bilaash ah.

Haya’dda HPA (Health poverty Action) ayaa shaqaalahan dhintay, isla markaana ku bedeshay shaqaalle kale oo mushahar ka qaata wasaaradda caafimaadka, kuwaas qaban doonna shaqooyinkii ay hore u qaban jireen shaqaalahan.

Shaqaalaha dawlada ka shaqeeya laftooda ayaa ka biyo diiday arrintan in qof mushahar qaata lagu bedelo, qof aan mushahar ka qaadan, kuwaas oo iyagu laftoodda u arkay inay khalad tahay.

Shaqaalahan la eryey ayaa muddo afar sano ah la sheegay inay la shaqeynayeen hay’adda, isla markaana gunno mooyee aan wax mushahar ah aanay ka qaadan jirin hay’adda.

Inkastoo shalay isku daynay in aanu wax ka waydiino wasaaradda caafimaadka iyo hay’addan ayaanay noo suurogalin ka dib markii saacado badan ay nagu qaadatay inaanu la kullano wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo ay adag tahay in la hello.

XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI