Arabsiyo, Somaliland – xuska dhalashadda Nabiga ayaa shalay si balaadhan loogu xusay magaaladda Arabsiyo ee gobolka Gabiley kaas oo ay ka soo qaybgalleen cullimo waaweyn iyo ardayda madarasadaha Arabsiyo.
Guddoomiyaha degmadda Arabsiyo Muj: Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa soo dhoweeyey maalinta dhalashadda nabigeena, isla markaana umadda islaamka u diray hambalyo, waxaana kamid ahaa hadaladiisa “hambalyo u diraya umadda islaamka waana maalin weyn, waxaana culimadda waaweyn ka haynaa inuu xuska nabigu banaan yahay”.
Sidoo kale, Sheekh Axmed Muxuemd Ayatulla ayaa ka sheekeeeyey siiradda nabiga iyo taariikhddi dhalashadiisa, waxaanu umadda islaamka iyo Somaliland ugu baaqay inay weyneeyaan xuska dhalashadda Nabiga oo maalinta sabtidda ku beegan.
Wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cawke, ayaa isna muslimiinta aduunka hambalyo ku waajahan dhalashadda nabiga (NNKH) u diray, waxaanu tilmaamay inay tahay maalin weyn oo u baahan in si balaadhan loo xuso, isagoo arrrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waa maalin weyn waa malintii khayral khalqigu dhashay waa maalin ay tahay in aynu weynayno, Ilaahayba ina faraya in xuska Nabiga (SCW) mar walba xusno oo ku sallinno”.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay culimo waaweyn kuwaas oo tilmaamay sida ay quluubta islaamka ugu weyn tahay maalintan.
Dhinaca kale, waxa madasha lagu soo bandhigay qasiidooyin lagu amaanayo nabiga kuwaas oo si weyn u raxlaynayeen dadweynihii iskugu yimid.
XIGASHO: WARGEYSKA SAXAFI










