Isku Dhicii Labaad ee Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac Gaysta Oo Laba Beelood Dhex Maray iyo Gaabiska Gurmad Kala Kala Gaadha

0
410

Caynaba(Xogsoormedia.com):- alle ha u naxariistee laba qof oo midba dhinac yahay ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay ka dib markii ay laba beelood oo wada dega gobolka Saraar markii muran dhul isku dileen.

shaqaaqadii labaad ee laba beelood ku dhex marta bariga Somaliland ee gaysata qasaare dhimasho iyo Dhaawac,ayaa shalay ka dhacday deegaanka loo yaqaano Goble oo ka tirsan Gobolka Saraar.

Shaqaaqadan oo la sheegay in ay ka dhalatay muran dhul baraago laga qodayay oo muddooyinkii ugu dambeeyayba ay ku muran sanaayeen laba beelood oo halkaa wada dega ayaa markii dambe Maamulka Gobolka Saraar uu dhex galay la iskuna ogaa in Ramadaan ka dib arrinta la dhameeyo laakiin waxaa shalay dhacday in labada dhinac mid ahaan uu soo weeraro halkii muranku ka taagnaa oo ay laba nin oo ilaalo ahi ku sugnaayeen.

Dhanka weerarka hore soo qaaday ayaa labadii nine e berakadaha qodistooda la joojiyay ilaalada ka ahaa midna dilay midna dhaawacay.

Halka dhankii wax laga dilayna uu weerar qaaday ee uu nin dhankii kale ka soo jeeda oo la sheegay in uu adhi la joogay ay dileen.

Waa shaqaaqadii labaad ee todobaadkan ka dhacda gobolada Saraar iyo Sool ee keenta dhimasho iyo dhaawac ee aan gurmad nabadeed oo miisaan leh loo dirin iyadoo la sheegay in dhacdada labada beelood ee Cumar iyo Solomadaw ku dhex martay deeegaanka Gobolka Saraar in ay mudoba soo taagnayd oo horena odayaal maamulka gobolka Saraar u xidh xidhdy laakiin aan xal kama dambays ah laga gaadhin.

Geesta kale Xukuumadda ayaa hal wasiir u dirtay shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay oo ka dhacday tuulada Guumays ee gobolka Sool.

Dhacdooyinka beelaha dhex mara ee geysta qasaare nafeed ee geeri sababa ayaa waxaa xilliyadii hore gurmad nabadeed ka gali jiray Golaha Guurtida Somaliland iyadoo aw Xukuumadda iyo madaxdhaqameedka dalkuna kala qayb qaadan jireen laakiin golaha Guurtida ayaan wali ka hadal labadan dhacdo isla markaana xilligan fasax ku jira.

Dhinaca kale Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ayaa ku mashquulsan isu jawaabidda weerarka iyo weerar celiska ah ee ay warbaahinta isu marinayaan oo aanu midkoodna ka hadal waxna ka odhan kala qaboojinta shaqaaqo beeleedyada ka taagan gobolada Sool iyo Saraar ee dadkuna ay ku dhinteen.

Halka Ciidanka Qaranka Somaliland oo u taagan difaaca dalku uu labadaa dhacdoba ka gurmaday isla markaana uu kala dhex galay beelaha dilka isu geystay.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

abafgaab@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here