Baydhabo (Xogsoormedia.com):- ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhintay 18 qof oo kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kala duwan ka dib markii uu askari ka tirsan ciidanka Millatariga Soomaaliya Bambo ku weeraray suuq ganacsi oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka BAY.
Qaraxan khasaaraha fara badan geystay nafeed ee dhimashiyo dhaawacba gaystay ee ka dhashay bambada uu askarigu ku tuuray suuqa ganacsi ayaa markii uu dhacay ka dib waxaa goobta gaadhay ciidanka millatariga Soomaaliya oo qabtay askarigii falka geystay .
Wararka hor dhaca ah ee ay saraakiisha ciidanku bixiyeen ayay ku sheegeen in askariga falka dhimashada sababay gaystay in uu khamri cabbay oo uu sakhraansanaa.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland










