Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay In Ay Waddo Qorshe Doorashada Markale Dib...

WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay In Ay Waddo Qorshe Doorashada Markale Dib U Dhigaya

0
422

Hargeysa(Xogsoormedia,com):- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay waddo qorshe dib u dhigi kara doorashooyinka Somaliland caqabadna ku ah shaqadii  qaban lahaa gudigga doorashooyinku.

 

Xogyahaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, waxaa kale oo uu sheegay in heshiis kasta oo Xukuumadda lala gala ka fuli la,yahya dhanka Madaxweynaha oo uu isagu caqabad ku yahay.

“Dhibta haysata Komishanka doorashada iyo  qaranka Somaliland ba waxa weeye iyadoo aan ilaa maanta Xukumaddu fulin oo aanay hirgalin heshiiskii xisbiyadu gaadheen. Arrinta dhibta ku haysa Komishanku waxa weeye Dad inta wax loo diray wakhti cayimanna aan la siin oo la leeyahay waxna qabta dibna yaanay u dhicin, waxna ha dhammaadaan,” ayuu yidhi Xoghaye Uurcadde.

 

Mudane Uurcadde, waxa uu sheegay in wakhtiga aan la cayimini keenayo dib u dhac ku yimaada hawlaha Komishanka oo diwaangalinta codbixiyeyaashu ugu horayso “Wixii lagu heshiiyay ee Komishanka qoraal loogu gudbin lahaa, oo ay si rasmi ah ugu shaqayn lahaayeen oo aanu Madaxweynuhu ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadini waxay keenaysaa inay dib u riixmaan arrimaha diwaangalintu, taasina waxay dhib ku tahay Komishanka, Dadka Somaliland iyo cid kasta oo dimuqraadiyadda jecel,” ayuu yidhi Mr Uurcadde.

Hadaba halkan daawo Maxamed Cabdilaahi Uurcadde hadalkiisa.

Xogsoormedia.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here