Minneapolis (Xogsoormedia.com) :- Kulankii 15 aad ee ay yeeshaan Jaaliyadda Muslimka Maraykanka,ayaa lagu soo gunaanaday Magaalada Minneapolis ee gobolka Kulan Diimeedkii 15-aad oo sanad walba Xilligan oo kale lagu Qabto Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Minnesota ayaa Axaddii lagu soo Gabagabeeyay Minneapolis Convention Center, kaasoo socday muddo Saddex maalmood ah. Waxaana ka Qayb-galay Culummo fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi.
Mu’tamarkan oo billowday Jimcahii aynu soo dhaafnay ayaa lasoo Gunaanaday Habeenkii Axadda, iyadoo Kulan Diimeedkan Sannad Walba lagu Qabto Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Kulankan ayaa waxaa si Wadajir ah u soo Qaban-qaabiyay Sanadkan Masjidka Abubakar As-sadiiq, Golaha Imaamyada Waqooyiga Maraykanka iyo ururka Isu-taga Dugsiyada Minnesota oo loosoo gaabiyo M.D. A, iyadoo lasoo jeediyay Saddexdii Maalmood ee uu socday Muxaadarooyin iyo Duruus kala duwan oo Islaami ah.
Sidoo kale, Waxaa la qabtay Tartan Qur’aanka oo socday shan cisho iyo Qalin-jabin Boqol & Afartan -140- Arday oo dhameeyay barashada qur’aanka kariimka ah.
Imaamyada Casharada iyo Muxaadarooyinka jeediyay Qaarkood ayaa waxay ka socdeen Magaalooyinka Mataanaha ah Minneapolis St. Paul iyo kuwo ka yimid Gobollada kale ee dalka Maraykanka.
Culummada ayaa Waxaa ka mid ahaa: Sheekh Maxamed Idris, Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, Sh. Maxamed Kaariye, Sh. Abdullahi Ibrahim, Sh. C/risaaq Xaashi, Sh. Aadan Cabdulle, Sh. Yussuf Aadan, Sheekh Khadar Jamac, Sh. Maxbuub iyo Culummo kale.
Mu’tamarka Sannadkan Waxyaabaha kale ee lagu soo qaaday Sannadkaan Waxaa ka mid ahaa; Tartanka Qur’aanka oo isagu saan kor kusoo sheegay socday Shan Casho; Waxaana lagu kala Tartamaayay Juska Koowaad, Shanta Jus, 15 Jus iyo Dhammaan 30-kiisa Jus. Waxaa kaloo Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ka mid ahaa Cod wanaagga, Waxaana lagu baxiyay Abaalmarino kala duwan; Waxaana ugu badnaa $6000 Meesha ay ugu yarayd $750.
Kulanka oo Aalaaba lagu aadiyo xilliyada fasaxyada iyo dabaal-dagyadu ay jiraan ayaa muhiimadda ugu weyn ee loo Qabtay waxay ahayd in culumadu ay gaarsiiyaan Diinta Ummadda Soomaaliyeed ee Qurbo-joogta ah iyo Waliba culumada oo ka tashatay Aayaha Ummadaan Soomaliyeed iyo Mustaqbalka meesha ay ku dambeyn doonaan.
Dhanka kale, Waxaana Sannadkaan markii labaad lagu Dhex-qabtay Kulankii Fagaaraha oo Sannadkaan ay ka Qayb-galeen; Sheekh Maxamed Idris, Sheekh C/raxmaan Sh. Cumar, Prof. Maxamed Muqtaar, Prof. Hodan Ciise iyo Dr. C/nuur Sheekh Maxamuud oo looga hadlay maxay noqon kartaa jihada Siyaasadda ee Soomaaliya marka la gaaro Sannadka 2016-ka.
Si kastaba ha ahaatee, Dadkii kasoo Qayb-galay Kulan Diimeedkan 15-aad ee Minneapolis waxay u badnaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed, waxaana si weyn u Camirnaa Hoolalka lagu bixinayay Muxaadarooyinka Afka Ingiriiska ku baxayay oo dhallinyaradu ay si wanaagsan u soo xaadireen, iyadoo taasi ay dhalisay in la is-weydiiyo sababta da’yartu ay uga jecel yihiin Afka Soomaaliga Afafka Qalaad, iyadoo lasoo jeediyay in Dhallinyarada lagu hago Luuqadooda Soomaaliga.
Ugu dambeyn, Waxaa Xalay lagu soo Qatimay Qur’aan Akhris iyo Ducooyin loo jeediyay intii soo qaban-qaabisay, macalimiinta, waalidiinta, Ardada maanta Qur’aanka dhamaysay, Dadkii hawshan Suuro-galiyey iyo weliba intii taageertay Masaajidda iyo Dugsiyada.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland













