Hargeysa (Xogsoormedia.com) Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha mudane Cali Maxamad Warancade oo maanta shirjaraa,idku qabtay xafiiskiisa ayaa ayaa ka hadlay arimo dhawra oo ay ka mid tahay dilkii maaliti dhawayd ka dhacay gobolka Awdal ,soo qabashadii gacan ku dhiiglayaasha kaadhadhkii muwaadiniinta qaarka mida oo la gubay kaadhadhkiinina ay ahaayeen qaar tijaabo ah iyo warbaahinta oo uu ku hanbalyeeyay sida wanaagsan ee ay baryahan danbe xil isaga saaraan baahinta wararka iyo qodoba kale
Wasiirka Arrimaha Guduhu Cali Maxamad Warancade waxa uu uga mahadceliyay warbaahintu sida ay baryahan danbe uga soo kabanayso wararkii dhiilada laha waxaanu yidhi wasiirku isago ugu horeyn arintaas ka hadlaya “ “waxaan warbaahinta uga mahadcelinaya sida wanaagsan e ay mudooyinkan danbe uga soo kabteen wararkii dhiilada lahaa ee ay baahin jireen iyada oo waxyaabaha qaranka ku lidka ah aad uga shaqaysaan”
Cali Warancade waxa kale oo uu Tacsi tiiranyo leh u diray qoyskii iyo qaraabadi iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen nimankii askarta ahaa, isaga oo sheegay inay u dhinteen wadankooda iyaga oo badbaadinaaya nafaha bulshada Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan halkan tacsi uga diraya ciidankii qaranka ama ciidanka abniga ee booliska eek u nafwaayay shaqaaqadii ka dhacday Boorama ,ILLAAHAYna naxariistii jano ka waraabiyo geesiyaasha inaga baxay eek u baxay iyaga oo naftooda u huray inay badbaadiyaan nafaha bulshada reer Somaliland isagana dhigay madaxdoodi dhibka ILLAAHAY ayaanu uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo”
Wasiir Cali warancade waxa kale oo uu u mahadceliyay guud ahaan shacabka reer Boorama haday Sulaadiin yihiin iyo haday tahay bulshaweynta kale ee reer Awdalba sidii ay uga wada qayb qaateen soo qabashada nimankaa gacanku dhiiglayaasha ahaa waxanu yidhi”Sido kale waxaan halkan uga mahadcelinay guud ahaan bulshada reer Boorama khaasatan Sulaadiin Madaxdhaqameedka iyo bulshada inteeda kale ,gaar ahaan ragi iyo muwaadiniinta iyo cidii gacan ka gaysatay soo qabashadii gacan ku dhiiglayaashi oo dhab ahaantii si qiimo leh ula shaqeeyay ciidamada abniga kuna guulaystay inay gacanta ku soo dhigaan badankooda ragii falkaa foosha xun ee fulaynimada ah gaystay ,waxaana reer awdal uga mahadnaqayaa sida ay kooxda yar ee nabadiidka ah ay isaga kaashadeen sidii ay u soo qaban lahaayeen wadankoodana uga difaaci lahaayeen “
Dhanka kale wasiir Cali Maxamad Warancade waxa uu mahadnaq u jeediyay madaxda dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay sida xilkasnimada leh ee ay isugu taxaluujiyaan sidii xuduuda labada wadan u dhaxaysaa ay u noqon lahayd mid nabadgaliya ah waxaanu isaga oo arinkaas ka hadlaya “Waxa kale oo aan halkan uga mahadcelinaya dawlada Itoobiya ,oo hadii ay tahay dawlad deegaaneedka Soomaalida Itoobiya iyo haday tahay dawlada faderaalkaba ,sida qiimaha leh ee aynu u wada shaqayno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduuda u dhaxaysa Somaliland waxaanan mahadgaara u celinaya Madaxweynaha dawlad deegaaneedka Itoobiya oo dhab ahaanti si aada isugu taxaluujiya uguna hawlan sidii xuduuda laba dal u dhaxaysaa ay u noqon lahayd xuduud nabadeed una noqon lahayd mid ka caagan fidmo walayaal ,danbiilayaal iyo argagixiso intaba taana iyana aad iyo aad ayaan uga mahadcelinaya”
Wasiir Cali Maxamad Warancade isaga oo hadalkiisa siiwta waxa uu intaas ku daray oo u yidhi “Waxaa kale o aan cudur daar iyo raaligalinka bixiyo ciidamada abniga eeSomaliland oo iyaga oo eryanaya gacan ku dhiiglayaasha ay kala talaabeen iyaga oo is eryanaya oo dhab ahaantii ay ku guulaysteen inay soo qabtaan ,taana waxaan mahad uga celinaya dawlada Itoobiya haday tahay dawlad deegaaneedka iyo haday tahay dawlada Faderaalka ahba oo runti wadashaqayn qiimo badani naga dhaxayso ayaan jecelahay inaan cudur daar uga diro” Xogsoormedia.com
Waxa kale oo wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha Cali Warancade carabka ku adkeeyay in qaskan gobolka Awdal ka socda ay ku lug leeyihiin madaxda koonfurta Soomaaliya waxaanu yidhi “Waana arin dad wax ma garata ah oo cadaw ahi ku adeegsanayo hawguna horeeyaan kuwii aynu ka gonay ee Soomaaliya, oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan dadkaa cadawga ahi lana doonayo inay sida ay Soomaaliya maanta tahay Inay Somalilandna ay noqoto intii la soo qabtay mooyane inta kalana iyanagana waxaan u sheegaya inay u wanaagsan tahay inay isu soo dhiibaan ciidamada abniga inta aanay naftooda halisgalinin isa soo dhiiba ayaan idin leeyahay”
Waxa kale oo uu tilmaamay wasiirku in dadkan reer Somaliland ay yihiin dadku faana nabadgaliyada “Waxa iyana ILLAAHAY mahadiiya in dadka reer Somaliland ay yihiin dad bislaaday oo qiimo leh oo garankaraya nabadu waxa ay tahay aqoonsan oo ku soo caana maalay ,dadka qaar ayaa isweydiinaya maxay tahay nabadu, markaa waxaan leeyahay nabad ayaa naasa la nuugo leh o macnaheedu yahay hadaad nabadgaliyo haysato waxkastaaba waa ay sahlan yihiin oo wax kastaaba waa ay imanayaan”
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku inaanay hayn cidaan danbi ku cadayn ee ilaa hada lagu daba jiro lana kala saari doono wixii danbi ku cadaadana waxa la horgyen doona sharciga oo ay wajihi doonaan
Ugu danbeyn waxa wasiirka warbaahintu wax ka waydiisay kaadhka jinsiyada oo qaarka mida lagu gubay waqooyiga magaalada Hargeysa waxa ay tahay sababta loo gubay?
Waxaanu ku jawaabay wasiirku “ waxa weeyaan tijaabo ayay ku jireen kaadhadhkani markaa markii la tijaabiyay wixii hore u soo bixi waayay ee khashinka ahaa ayaa la ururiyay oo la gubay
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland











