Saturday, July 11, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Duruufaha Nololeed Ee Haysta Kumanaan Qoys Oo Ku Nool Xaafadda State-House Iyo...

Duruufaha Nololeed Ee Haysta Kumanaan Qoys Oo Ku Nool Xaafadda State-House Iyo Dhacdooyinka Naxdinta Leh Ee Ee Deriska La Yihiin

0
351

“Nin Weyn Ayaan Ahay Oo Walaahi Been Ku Sheegi Maayo Ee Siillaanyo Halkan Doqon Ma Waaye Wakhtigii Doorashadda Ayaan Ku  Wada Shiri Jirnay, Markaasu Odhan Jiray Waar Saddex Goor Ayaa Lay Legday Ee Ilmaadeerayaalow Maanta Hayga Tegina Ee Codka Iigu Hiilaya,” Oday Boqol Jir ah oo Xaafadda State House Ku Tabaaleysan

“Dhakhaatiirta Hargeysa Ayaa Xanuunka Inantayda Igu Wargeliyey In Waddnuhu Daloolo, Waxaanay  Ii Sheegeen In Kaliya Qaliin Deg Deg Ah Oo Wax Lagaga Qaban Karo …” Hooyo Sacaado Bille Waaberi

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Hargeysa, In ka badan Afar Kun Qoysas oo  danyar ah oo ku nool Xaafadda Isku raranta ee loo yaqaan State House-ka ee Magaalada Hargeysa, ayaa qaylo dhaan ka muujiyey duruufo nololeed oo haysta dadkaasi oo muddo dheer ku noolaa Xaafaddaasi.

Dadka ku nool Xaafadda State House-ka oo u badan Muwaadiniin reer Somaliland ah, ayaa sheegay in ay dhibaatooyin baahsan oo ay ka mid yihiin adeegyada aasaasiga ah ee ee dhinaca nolosha, sida Dhaqaalaha, Caafimaad, Amniga, Biyaha, Waxbarashadda, Waddooyinka, iyo dhibaatooyin kale.

Weriye ka tirsan Wargeyska Saxansaxo oo u kuur galay nolosha dadka dan yarta ah ee ku nool Xaafadda Isku raranta State House-ka, ayaa ku soo arkay halkaasi dhibaatooyin naxdin leh oo ku gedaaman dadkaasi.

Ismaaciil Cali Axmed oo ah Boqol jir isaga iyo Qoyskiisa oo tabaalo nololeed hayso  ku nool Xaafaddaasi, ayaa Weriyaha uga sheekeeyey dhibaatada haysata oo ay ka mid ahayd Xaaskiisa oo iyadu ahayd haweenay da’a oo ka tahriibtay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Awoowe Qoyskayga Xaaladiisa Nololeed horta Illaahay wuxu ku qoro ayuumba la cunaaye, laakiin waanu iska waxaysa nahay (Liidanaa) oo meesha (Buulkan) horta waxa ka jooga aniga iyo ninkan Waalan oo aan anigu dhalay, waxa igaga sii daran taasi Islaantii dhashay ee aanu wada joognay oo la yidhaahdo Suuban Maxamed Cilmi, way iga tahriibtay oo meel ay ku nooshahay garan meyno oo waxaanu ku noolahay Kaamkan State House-ka, waxaanu ku noolahay Xaafaddahani aniga iyo kaniba oo waxna siiya oo Xabadda Laxooxda ah iyo Koobka Shaahaba na siiya kolba wixii ay noo helaan, ragga aan dhalayna laba ayey ahaayeen oo midina waakan Xanuunsanaya ee halkan ku jira kii kalena Jeelka ayuu ku xidhan yahay, Islaantiina way iga tahriibtay oo iyada ilaa Sannad mudo ka badan meel ay jaan iyo cidhib dhigtay oo ay ku dambeysay maanaan arag Geeri iyo nolol meel ay ku dambaysay.”

Odayga Waayeelka ah oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Noloshaydii hore adeer wakhtiga  ayaa isbedelaaya ee way wanaagsaneyd oo sannaddii 1977-kii UN-ka (Qaramadda Midoobay) ayaan u shaqeyn jiray  oo wakhti dheer ayaan Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ayaan u sarkaal ka soo ahaan jiray oo dee noloshaydu way iska wanaagsaneyd  meel walbana diyaarad ayaan ku tegi jiray oo nimankaasi ayaan la shaqeyn jiray laakiinse wakhtiga ayaa iska cayn ah oo isbedelaaya oo adigu ma xukumi kartid wakhtiga in aad wanaajisato iyo in kale ee isaga ayaa ku xukuma. Raggu haddii uu aynigan oo kale gaadho Imisa jir ayaad tahay la maba yidhaahdo oo Boqolkii ayaanu Afka ku hayna oo nin boqol jiray maxaad ka odhan imisa jir kolay boqol baaban ahaye, Islaanteydana horta dee Islaan weyn ayey aheyd oo waxba igama yareyn waxaanay aheyd Islaan daarood ah oo xagaasi Koonfurta ayaan joogi jiray waagii aan xooga ahaa ee mashaariicda fulin jiray  oo aanu isku guursanay , marka runtii wakhtigan da’deeda aniga oo boqol sanno ah dhawr sano ayuumbay iga yareyd”

Ismaaciil Cali Axmed, waxa uu baaq u diray shacabka Somaliland iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi “Waxaan umadda ugu baaqayaa oo aan dawladda Somaliland-ka codsanayaa baaq Islaamnimo ayaan u dirayaa oo waxaan u diraynaa dad aan wax haysan ayaanu nahaye waxaan ka codsanayaa ama ugu baaqayaa waar dad aan waxba haysan oo dantu hayso ayaanu nahaye wixii na lagu tari karo ha na la soo gaadhsiiyo. Waxa noogu sii daran taakula Caafimaad  mid adduun mid dhaqaale iyo mid Xanuun. Madaxweyne Siillaanyo waxaan u dirayaa baaq gaar ah nin weyn ayaan ahay oo walaahi Been ku sheegi maayo ee Siillaanyo halkan Doqon ma waaye ayaan ku wada shiri jirnay kolkii doorashadda lagu jiray oo Xaafaddayadan State House-ka ayuu noogu iman jiray, markaasu odhan jiray waar saddex goor ayaa lay legday ee Ilmaadeerayaalow maanta hayga tegina ee codka iigu hiilaya, waxaan leeyahay Madaxweyne Siillaanyoy ha naga tegin maantana waanu jilic sanahaye oo annaga iyo xaafaddan oo dhami way jilicsan tahaye

Hooyo Sacaado Bille Waaberi waa Haweeney danyar ah, waxa ay la nooshahay  Qoys 7 qof ka kooban oo iyada Saygeeda iyo 5 Caruur ah oo ay dhaleen , waxa ay ku nool yihiin Xaafadan, ka sakaw Xaaladda Nololeed iyo duruufo dhaqaale Xumo oo qoyskeeda haysata oo ay sabab u tahay shaqo la’aan Aabaha Qoyskaasi ah iyo taakulo la’aan aanay cidna waxba siinin, waxaana taasi u dheer Gabadh yar oo saddex sanno jir ah oo magaceedu yahay Nasra Cabdiqaadir Muuse , waana Ilma yar oo 5 Bilood kolkii ay jirtay Xanuun asiibay waxaana dhakhaatiir baadhitaan ku sameyey ay cadeeyeen inay Wadnuhu Daloolo oo dhakhtar dibadda ah oo aanu Qoyskani wax awood ah u laheyn ay u baahan tahay in loo diro si Qaliin loogu sameeyo Ilmahaasi yar ee mudada 3 sanno ah dhul yaalka u ah Xanuunka markii ay dhalatay Asiibay.

Hooyo Sacaado Bille Waaberi oo wejigeeda ay ka muuqday duruufaha haysta, ayaa waxa ay tidhi   “Ilmahan yari waa Gabadh waxay jirta Saddex sanno mudadaasi ay jirtay ee saddexda sanno ahna way iga xanuusaneysa, waxaanay dhakhaatiir baadhitaan ku sameeyey ii sheegeen in uu Waddanuhu daloolo, marka Wax Jal ah oo ay ii qaadaneysa ma jiro halkaasi ayuumbay iska jiifta oo waa mariidkaasi, waxaanay ilaa laba dhakhtar oo Hargeysa baadhitaan ku sameeyey ii sheegeen in Xanuunkeedu yahay Waddnahaasi daloola ee dalka gudihiisana waxba aan lagaga qaban karin, waxaana walaal na haysta dhibaato iyo dufuuro dhaqaale Xumo oo daawo iska daaye xata waxay cunaan oo aan siiyo uma hayo Shantan Caruurta ah ee aan dhalay Aabahoodna wuu iska jooga oo wax camal ah ma hayo, xaalkayguna ma awoodo in sida ay dhakhaatiirtu noo sheegeen aanu si qaliin loogu loogu sameeyo dibadda u qaadno balse waxaan ku jalo ayaan la ahayba oo sidaasi darteed ayaan Aqalka hoosteeda ugu hayaa”

Haweeneydan oo hadalkeeda sii wata waxa ay tidhi  “Waxaan ogaaday Xanuunkeeda markii ay ilaa 7-ba ilaa 8-da Bilood  jirtay da’deedu, laakiin adigu ilaa 9-di Bilood ayaan ku fahmay oo aan dhakhtar kula cararay oo ay taala oo aan sida ugu wad wadaa , laakiin waxay ku soo roonaaneyso ma arko walaal oo waa taasi walaalo oo way iska liidata oo wax awood ah oo aan dhakhtar ku geeyana umahayo Xambaar way ii qaban wayday oo tuyar oo kalena way ka daba dhalatay sidaasi darteed ayaan walaal ugu dhex haya guriga , dabedeedna imika waa iska bilaa Camal oo Kuuli ayuu ahaan jiray oo imika Kuuligiina wuu waayey imika Berbera ayuu yidhi biloo aad wax ka soo heshay oo uu imika ku maqan yahay ,laakiin wax uu soo helay iyo wax camal ah oo uu hayaa toona ma jirto waana kaasi oo dee waa iska bilaa camal , marka waa kaasi oo reerkii sidaasi ayey iskaga nimcaysan yihiin , xanuunkeedana dhakhtarka Talyaaniga la yidhaahdo ayaa ii xaqiijiyey oo noo sheegay iyo dhakhtarka Suuqa Caruurta ee Dr Cabdiraxmaan isna waa uu ii sheegay xata dhakhtarka weyni waa uu ii sheegay isaguna oo saddex ilaa Afar jeer ayaan la galay ,marka walaal waa la ogaaday Xanuunka Waddnaha ka haya inantayda oo xata dhakhaatiirta ayaba iga bixisay lacagta Sawirka lagaga qaaday , waxaanay dhakhaatiirta xanuunka Inantayda igu wargeliyey in Waddnuhu daloolo ii sheegeen in kaliya Qaliin deg deg ah oo wax lagaga qaban karo ay ka heli karto meesha la yidhaahdo Talyaaniga (Dhakhtar ku yaala Waddanka Talyaani ), iimay sheegin Qiimaha lacagta dhakhtar dibaddeed lagu geyn karo si qaliin loogu sameeyo inantayda Waddnaha ah balse waxaan ku quudiyo ayaaban la’ahay ee maxaan dhakhtar dibaddeed geyn maba u ahaye”

Hooyo Sacaado Bille Waaberi waxa ay codsi u dirtay dadka Muslimiinta ah,“Gargaarka ALLE ayaa iska leh hadii uu wax iga siiyana waan uga mahadcelinlahaa Walaalahayga wax haysta ee dalka guddihiisa iyo dunidda kaleba Illaahayna ha barakeeyo anigana Caafimaad haysiiyo Ilmahaygan Xanuunka waddnaha ka asiibay la dhibaataysan” Ayey tidhi

Xaliimo Muuse Cumar oo ah Haweenay Hooyo ah oo ah Qoys 12 Qof ka kooban oo iyada Odaygeeda iyo 10 Caruur ah oo ay dhashay, oo iyadu ka hadlaysa xaaladeed nooleed, ayaa tidhi “Waxaan ahay Hooyo xaafaddan State House-ka ku nool oo haysata  Caruur ah, Xaaladda qoysku waa mid danyar ah oo qoysaska kale wax la qabta waxaana iga Xanuunsanaaya imika Wiil yar oo Hunqaaco iyo Matag kala joojin la waxaanu jira sannad iyo Lix Bilood dhaqaale xumo way jirta oo Aabaha qoyskayagu waa Kuuli marna hela marna waaya, Caafimaadkuna waa mid lacag ah oo farmasiyadu waxay doonayaan lacag anaguna lacag ma hayno, Tobanka caruur ah Saddex ayaa Isguulka dhigta oo Yoomkaasi Kuuliga ah ayuumba marka la helo lagu daboola cid kale oo na caawisa ma jirto ee waa xooga odaygu wuxu keeno ayuumba aanu ku noolahay , Qoysaska xaafaddan State House-ku noolina waa wada danyarta  anaga oo kale ah wax laysku gargaari karaana ma jirto ,guddi xaafaddu way leedahay oo way jirta balse in uu dushaasi iyo wixii amni ah eego mooye nolosha qoyska iyo wixii baahi ah waxba kama qaban karaan, waxaana jirta Baahiyo badan oo dhinaca xili roobaadka ah meel aanu ka galo iyo hadii uu dab qabsado Kamkan cid ka badbaadaysatoona ma jirto”

Mid kale oo ka mid ah Qoysaska danyarta ah ee Xaafadaasi ku nool oo magaciisa noogu sheegay Saleebaan Daahir Cumar oo ka sakow duruufaha nololeed ee wax la’aanta ay udheertahay inay saddex qof oo qoyskooda ka mid ahi xaalad caafimaad xumo haysato iyada oo uu gurigana ugu hoos xidhan yahay Nin dhinaca dhimbirka wax ka qaba kaasi oo mudo dheer maskaxda ka xanuunsanaayey waakani walaalkii oo aanu waxka waydiinay xaaladda iyo durufaha qoyskoodu waxaanu yidhi “Walaal horta qoyskayaga noloshiisa waad aragtaan oo halka aanu ku noolahay waa meeshaasi buulalka yar yari ka dhisan yihiin waxaana noogu sii daran Saddex qoyska  ka tirsan oo naga xanuunsanaaya oo saddexda noogu darini waa Islaantaasi Ii hooyada ah, Ninkani oo aanu walaalo nahay oo isagu waalan mudo dheer halkana noogu xidhan iyo Islaan kale oo ii Habaryar ah oo Iyana xanuusaneysa oo Buulkan ku dhex jirta, wax aliyaala wax xoolo iyo aduun ah oo aanu maanta dadkan xaaladahooda Caafimaad wax kaga qabano ama aanu ku daaweyno maheyno, Illaahay ayuubay leeyihiin oo isagu cudurka iyo Caafimaadkaba haya ,marka walaal waxaan cid kasta oo wax na soo tari karta ama wax noo qaban karta aanu ka codsaneynaa in dhibkaasi na haysta wax cidii nooga qaban karta wax ay nala qabato oo umadda Islaamku na soo kaalmeyso cidii wax haysata ee ALLE wax siiyey xag Caafimaad ama kharash kay doonto ha noqote wixii na la soo tara waxbay noo tari karaan”

Guddoomiyaha Xaafadda State House-ka Sulub Ibraahim Muxumed oo isagana wargeyska Saxansaxo wax ka weydiiyey isaga iyo guddida uu horjoogaha u yahay waxa ay ka og yihiin Baahiyaha qoysaskaasi danyarta ah haysta, tiradda Kaamkaasi ku nool iyo baahiyaha ugu daran ee ay u baahan yihiin in wax laga la qabto waxa uu yidhi “ Marka hore waanu soo dhaweynayna Wargeyska Saxansaxo oo u yimid u kuurgalka Xaaladda ay ku sugan yihiin danyarta dadkan barakacayaasha ah ee Xaafadda State House-ka ku nool, inta ka dib hadii aan su’aasha imisa qoys ayaa ku nool ah u soo noqdo, waxa halkan ku nool tiro tiraddii ugu dambeysay ee aanu hayno qoysaska halkan ku nool waxa uu ahaa Afar Kun iyo Siddeetan  qoys  ayaa halkan tiraddii ugu dambeysay ee ay ku sameysaya wasaaradda dib u dejintu ahaa, haseyeeshe dad kale oo tiro badan ayaa soo degay xaafadda oo xaafaddu waa isku raran ,runtiina halkan ilaa 1991-kii ayey dadku soo degeen dadkanina waa barakacayaashii rasmiga ahaa eek u baracay colaadihii iyo dhibaatooyinkii berigii hore ee Siyaad Barre waana dad muwaadiniin ah iyada oo ay dadku u qabaan inay meeshan Oromo gasho waa in tiro yar Oromadda Itoobiyaanka ah ama dadka kale ee Xamar iyo meelahaasi ka yimid ee halkan degani balse waa reer Somaliland aan waxba haynin oo duruufo nololeed halkan u yimid, waxaana dhacday dadkii halkan ku dhashay ayaa xaasas hada ku leh oo caruur iyagii ku dhalay”

Sulub Ibraahim Muxumed oo si gaar ah aanu wax uga waydiinay baahiyaha ka jira ama haysta Qoysaskaasi tiradda badan ee ku dhaqan Barakacayaasha State House inta ay leeg tahay waxa uu yidhi “Walaahi waad aragta adiguba ama qof kasta oo halkan yimaada wuu arki kara baaxada baahida qoysaskan barakacayaasha ah haysata iyo inta ay leegtahay, Hoyga ay galaan waa qashinka badroolka laga sameeyey ee Bacaha oo waddooyin ma leh oo dhibaatooyin faro badan ayaa haysata oo dadkani aad iyo aad waxay u jecel yihiin in la deegaameeyo oo ama lagu deegaameeyo halka ay yaalaan ama meel kale dhul laga siiyo oo ay degaan barakacayaasha marka lagu yidhaahdo waa sidan oo kale, barakacayaasha kale ee dalka waxba loo qabta balse anigu mar qudha intii aan joogay ma arag iyada oo wax loo qabanaayo way jiraan hay’addo yar yar oo waxaan naflayn bixinaaya kuwaasina waxba ma wada gaadhsiin karaan , waayo dadka tiradaasi ah waxna cidi ma siin karto waxay hayadahani bixiyaana waa Afartan ama Sodon qof ama Toban qof ayey wax gaadhsiiyaan, hadaba Baahiyaha ugu badan ee qoysaskan haysta waa u baahan yihiin cid wax kala qabata dhinacyadda in loo sameeyo goobihii Caafimaadka sida MCH, malaha goobihii Qashinka, meeshu way dhibaato badan tahay oo xata Rug Boolis xata malaha ,marka dawladayada waxaan ka codsanlaha sidii umadda intaasi lee gee ALLE mooye cid kale iyo ceel kale oo u qodani aanay jirin sidii wax loogu qabanlahaa ayaan fariin ugu diraynaa waxa taasi nooga sii daran hadii imika Halguri uu gubto dabdemis lagu badbaadiyo ma hayno qoysna kama hadhaayo dhamaantood oo dacalka ayey isku wada hayaan”NIn kaleSaacaado iyo gabadha yar ay dhashayoday 100 jirnin - walaalkii xanuunsanayaDSC01788carruur -state house -12 Dec- 2015carruur 2 - state house 12 Dec 2015

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

 

 Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here