Saturday, July 11, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Caasimada Adis-ababa Ee Dalka...

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Masaajid Ku Yaala Caasimada Adis-ababa Ee Dalka Itoobiya Iyo Wararka Laga Helaayo Qaraxaasi.

0
376

Adis-ababa(Xogsoormedia.com) Qarax ka dhacay maanta Masaajid ku yaala Caasimada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu dhacay xili laga soo baxay salaadi Jimce.Itoobiya-Masaajid-Anwar1

Qaraxan ayaa waxaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid bamboo gacmeeda,oo dadka lagu soo dhex tuuray xili ay ka soo baxeen salaadii jimce ee masaajidka ilaa hada lama sheegin wax dhimasho amase dhaawaca oo ka dhashay qaraxan.

Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa waxaa ay inta badan tahay mid abingeeda aad loo sugo oo aanay dhicin sida badan weeraro is qarxina ., balse waxaa todobaadyadii la soo dhaafay jiray xiisad weyn oo ka dhex taagan dowlada Federaalka iyo Qowmiyada Oromiya oo ka horyimid qorshe lagu balaarinayo magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa & Oromada
Magaalada Addis Ababa oo uu aasaasay Boqorkii hore ee Mililigii 2aad sanadkii 1886 uu deegaankaasi ka dhigtay saldhigiisa militari xili uu ku jiray olole uu ku qabsanayey dhulka Oromada.

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in magaalada Addis Ababa la balaarinayo iyadoo la hoos keeni doono dhul badan oo ay degen yihiin Oromada oo degen dhulka ku hareeraysan caasimada Addis Ababa.

Xukuumada ayaa qorsheenaysa dhulka Addis Ababa lagu dari doono in loo qeybiyo dhul laga dhiso Warashado iyo dhul deegaan, iyadoo garab mareysa qorshihii hore ee ahaa in dhulka Oromada degto shacabka ku nool loogu bedalo magdhaw dhulka lagala wareegayo.

 

Itoobiya-Masaajid-Anwar2
Qaraxan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa mid loo adeegsaday bambaanada gacanta laga tuuro oo dadka lagu dhex tuuray xili laga soo baxay saaladii Jimce, sida ay dowlada Sheegtay. Ma jiraan weli wax dhimasho ah oo la xaqiijiyey walow ay jireen warar sheegaya in dhowr qof halkaasi ku dhimatay.

Itoobiya-Masaajid-Anwar2

Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayey inta badan ka dhicin weerarada qaraxyada ah maadaama dowlada ay gacan adag ku heyso amniga, balse waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay jiray xiisad weyn oo ka dhex taagan dowlada Federaalka iyo Qowmiyada Oromiya oo ka horyimid qorshe lagu balaarinayo magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa & Oromada
Magaalada Addis Ababa oo uu aasaasay Boqorkii hore ee Mililigii 2aad sanadkii 1886 uu deegaankaasi ka dhigtay saldhigiisa militari xili uu ku jiray olole uu ku qabsanayey dhulka Oromada.

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa dhawaan shaacisay in magaalada Addis Ababa la balaarinayo iyadoo la hoos keeni doono dhul badan oo ay degen yihiin Oromada oo degen dhulka ku hareeraysan caasimada Addis Ababa.

Xukuumada ayaa qorsheenaysa dhulka Addis Ababa lagu dari doono in loo qeybiyo dhul laga dhiso Warashado iyo dhul deegaan, iyadoo garab mareysa qorshihii hore ee ahaa in dhulka Oromada degto shacabka ku nool loogu bedalo magdhaw dhulka lagala wareegayo.

Qorshaha cusub ee Addis Ababa lagu balaarinayo ayaa la filayaa in Oromada ay ku weyso 36 magaalo iyo tuulooyinka ku hareeraysan caasimada arrintaasi oo keentay xiisada cusub.

Qorshaha cusub ee Addis Ababa lagu balaarinayo ayaa la filayaa in Oromada ay ku weyso 36 magaalo iyo tuulooyinka ku hareeraysan caasimada arrintaasi oo keentay xiisada cusub.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Xigasho Horseed Media

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here