Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Guddoomiye Xisbiga Wadani  Oo Caasimada Dalka UK Ee London Si Balaadhan Loogu...

Guddoomiye Xisbiga Wadani  Oo Caasimada Dalka UK Ee London Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey + Sawirro

0
513

London(Xogsoormedia.com) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo safar shaqo ugu baxay qaar kamid ah wadamada ku yaala Qaarada Yurub, ayaa maanta waxa sii diiran loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Dalka UK ee London ,halkaas oo uu guddoomiye  Cirro markii uu soo gaadhay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Heathrow Arbor   kala kulmay soo dhaweyn baaxadle.

Guddoomiye Cirro ayaa markii uu ka soo degay gegida diyaarada  London, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dad weyne aad u tirobadan oo sitay asataamaha gaarka ah xisbiga WADDANI iyo calanka jamhuuriyada Somaliland,kuwaas oo ay horkacayeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka ingiriiska iyo weliba xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland uu kamid ahaa  xildhibaan c/raxmaan xoog.

Md. C/raxmaan Cirro oo ka dareenceliyey soo dhaweynta balaadhan ee uu kala kullmay magaalada London, ayaa halkaasi ka jeediye erayo uu ugu mahadnaqayo  dadkii ka qaybqaatay soo dhaweyntiisa iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka UK,Iyo weliba xildhibaanada ka qayb-qaatay soo dhaweyntiisa

Dhanka kale Guddoomiye Cirro ayaa  la  sheegay inta uu ku sugan yahay dalka UK  inuu la kulmidoono masuuliyiinta ka tirsan dowlada UK.

Dhanka kale Guddoomiye Cirro ayaa  la  sheegay inta uu ku sugan yahay dalka UK  inuu la kulmidoono masuuliyiinta ka tirsan dowlada UK.Inline image 5Inline image 6Inline image 7Inline image 8Inline image 4Inline image 2

Inline image 1

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here