Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Bare Sare/Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin oo muddooyinkii dambe u taagnaain uu yahay musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa ku dhawaaqay in uu jagada musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani in uu ka tanaasulay.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sababaha keenay in uu ka tanaasulo oo uu ka noqdo musharaxnimada Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko in horumar iyo hannaan wanaagsan lagu gaadhi karo taasoo uu sheegay in ay tahay iyada oo sharciga iyo Xuquuqda qofka uu ku leeyahay qofka kale in uu ilaaliyo si uu qofku xaqiisa u helo.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka tilifoonka ku siiyay shabakada wararka ee Xogsoormedia.com
Su’aal: Muddooyinkii dambe oo dhan waxaad u taagnayd oo aad ku dhawaaqday in aad u taagan tahay musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI imikana waxaad shaacisay in aad ka tanaasushay musharaxnimadii aad u taagnayd.maxaa sababay.?
Jawaab: Horta ujeedadu waxay ahayd in xisbiga gudihiisa lagu tartamo oo xisbiguna heerar badan oo lagi tartamo ayuu leeyahay oo kala duwan iyo jaran jarooyin kala hoosseya.tartanka golaha dhexe la isugu yimaado ee lagu tartamo xisbiga dhexdiisa inta la isu yimaado ayaa lagu doodaa oo lagu doodaa gudaha Xisbiga,sidaa imikaba ka dhacda dalalka hore u maray xisbiyadooda ee inta dhawr iyo labaatan qof la soo saaro ay soo tartamaan ee ay ku soo kala baxaan ee ay ku soo wareegaan dadkii taageerayaasha ahaa ee Xisbiga u codaynayay oo soo kala dooraya dadkaa xisbigu soo tartansiiyay talaana ka soo baxda xisbigu ku meel maro.
Markaa anaguna markii aanu taladii rog rognay ee aanu wax badan ka wada doodnay waxaa noo soo baxday in anigu aan ka hadho oo aan ka tanaasulo musharaxnimada laakiin xisbigii la dhiso oo kor loo soo qaado oo halka uu maanta joogo laga sii dhaqaajiyo.
Su’aal: Markaa taa macnaheedu ma wuxuu yahay Guddoomiyaha oo kaliya ayaa Tartamaya oo cid kale lama loolamayso mise adiga ayuunbaa tanaasulay ee Tartan wuu jirayaa.?
Jawaab: Waa Su,aal wanaagsan horta tartanku mar walba wuu furan yahay oo waa la tartamayaa. Haddaan la tartamina waxaa dhaawacmaysa dimuquraadiyadii aynu ku dhqmaynay iyo waxaynu asxaabta u samaysanay,dimuquraadiyaduna ma hana qaadayso haddii la tartami waayo xisbiguna nin uma xidhnaan karo,laakiin kii anigu aan waday ee dibad iyo gudaba aan ka waday ee Xisbiga dhexdiisa aan ka waday markii aan mudadaa badan soo waday ee ahayd in aan anigi hogaanka Xisbiga qabto oo ay ugu waynayn xisbiga oo u baahan in hoggaankiisa wax laga qabto oo la toosiyo iyo in dhaliilo ii muuqday in wax laga qabto iyo duruufo badan oo jiraba markii aanu ka doodnay waxaa noo soo baxday in anigu aan ka tanaasulo musharaxnimadaydii kol haddii la isla qaatay in wax laga wada qabto dhaliilahaa jiray ee igu kalifay in aan is sharaxo. Laakiin taa macnaheedu maaha lama tartamayo iyo guddoomiyaha oo kaliya ayaa mudharax ah.sababtoo ah Xisbiyadu waxay ku dhismayaan waa dimuquraadiyad iyo tartam xor iyo xalaal ah laakiin lama odhan karo nin kaliya ayaa tartamaya oo meeshu u xidhnaanaysaa.
La Soco qaybo kale oo ka mid ah waraysigan oo uu Bare Sare Mujaahid Cabdisalaan Yaasiin kaga hadlayo siyaasada dalka iyo ta asxaabta gudaheedaba saamaynta ay ku leeyihiin beeluhu iyo sida aan asxaabta uga xoroobin qabiilada ee ay wali talada treeruhu asxaabta uga dhex shaqayso.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland











