Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxwayanaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa iyada waftiga madaxwaynaha uu uu hogaaminaayo uu ku sii jeedo qaar ka mid ah gobolada galbeedka Somaliland ee ay ka jirto abaarta dabada dheeraatay ee sahayatey dad iyo duunyaba,
Wararka hada ku soo dhacay xafiiska warqabadka Xogsoormedia. ayaa sheegaya in u jeedada socdaalka waftigu uu salka ku hayo u kuur galida xaalada abaareed ee ka jira goboladaasi,
Safarka madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa maalmaha soo socda sida la filaayo joogi doona magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal iyada oo dhanka kalena la filaayo in waftigan uu madaxwaynuhu ay gar gaar iyo gurmad gaadhsiiyaan dadka tabaalaysan ee ay abaartu waxyeelaysay,
Warar xog,ogaal ah ayaa dhanka kale u xaqiijiyey Xogsoormedia in uu madaxwaynuhu gaadhi doono gobolka Salal iyo deeganada hoos yimaada eek u teedsan xeebaha galbeedka Somaliland ee xuduudka Somaliland iyo Jabuuti ay wadaagaan meelahaasi oo ah goobaha uga daran ee ay dad iyo duunyaba abaartu waxyeelo xoog ah soo gaadhsiisey,
Safarka madaxwaynaha ee goboladaasi ayaa ku soo beegmaya xilli meelo ka mid ah deegaanadii ay abaartu ka jirtey
Wixii warar ee danbe ee soo kordha kala soco xogsoormedia
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland










