Friday, July 10, 2026
Home Wararkii u Dambeeyey Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Oo Socdaal Ugu Baxay Gobolada Abaaruhu ...

Musharaxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Oo Socdaal Ugu Baxay Gobolada Abaaruhu Ka Jiraan

0
424

Burco(Xogsoormedia.com):- Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee AWDDANI ahan guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) iyo wefti uu hoggaamiyo,ayaa socdaal qiimayn  iyo u kuur gal ah ugu baxay gobolada bari ee Somaliland oo ay ka jirto abaar aad u baahsan oo taabatay nolosha dad iyo duunyo  labadaba.

Weftiga  Balaadhan ee uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo   maanta duhurkii safar deg deg ah ugu baxay  gobalada Bariga Somaliland .

ciro

Waftigan ayaa waxaa uu socdaalkoodu  yahay sidii ay indho indheyn ugu soo sameyn lahayeen dadka ay abaaruhu saameeyen ee gobalada Bariga Somaliland isla markaana ay u gaadhsiin lahayeen gar gaar uu xisbigu ugu talo galay .

Waxaa magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer wefigan kaga biiri doona oo halkaa ku sii sugayay hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan isla markaana halkaasi ay iskaga sii lugu dari doonan waxaana la filaya in u safarkani qaato muddo dhawr maalmood

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@gmail.com

Hargeisa Somaliland