Jabuuti(Xogsoormedia.com):- dawladaha Somaliland iyo Jabuuti,ayaa ka wada hadlay nabad gelyada mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka labada dal.
kulan dhex maray wefti heer wasiirro ah oo ka socday Xukuumadda Somaliland iyo Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,ayay labada dhinac isla qaateen in ay sii xoojiyaan xidhiidhka qotoda dheer ee Somaliland iyo Jabuuti ay wadaagaan.
Waxaa kale oo weftiga wasiirada ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shire ay ka dalbadeen madaxweynaha dalka Jabuuti in dalkiisu goobjoogeyaal u soo diro doorashada Madaxtooyada oo u qorshaysan in ay Somaliland ka qabsoonto dabayaaqada sanadkan.
Haddaba halkan ka daawo kulanka weftiga Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti ku wada yeesheen Qasriga Madaxtooyada Jabuuti.











