Maanso Saliilyo Abwaan Axmed Cismaan Batuun

0
1260

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Maansada la magac baxday Saliilyo oo uu curiyay Abwaan Wariye Axmed Cismaan Batuun oo  markasta ka hadla suugaan iyo qoraalbana ku gudbiya hadba xaaladda taagan  ka hadalkeeda iyo tilmaanta bulshadiisa isagoo wakhti iyo maskaxba u hura in uu umadda reer Somaliland mar walba ku wacyi galiyo isku duubnida iyo wada jirka,waxis tarka iyo walaalnimada.

Waxaanu abwaanku maansadan Saliilyo kaga hadlayaa doorshada so socota iyo waxa la gudboon bulshada reer Somaliland ee nasiibka u yeelata in maalinta ALLE gaadhsiiyo oo ay codkooda dhiibtaan waxaanu kula talinayaa in ay mar kasta maanka ku hayaanin siyaasiga hadalkiisa aanay u raacin ee ay jirto wax ka wayn oo dadka wada midaysa oo ah Somaliland qaran la yidhaahdo oo ka fayaw kana gudba qabyaalad iyo reernimo in cid lagu xusho.

Waxaanu abwaanku bulshada xasuusiyay in ay doorashooyin badan ooh re soo galeen balanqaadyadii loo sameeyay iyo waxyaabihii loo qabtayna iyo intii loo sheegayay in loo qabanayona ay wax isak waydiiyaan.

Yaanan hadalka idinku badin ee aan idiin kala boxo idinka  akhristweyaal iyo maansada Saliilyo iyo erayadii Abwaan/WARIYE Axmed Cismaan Batuun

 

Ma sarin oo maan sifayn

Ma solin oo waan ka tegay

Suugaantii waxan u nacay

Dadkiibaan dhagaha siin

Waxaana ka saahidoo

Dhamaan ila qaba sidaa

abwaanada soomay ee

Siduu xaalkeenu yahay

ka qaaday saskee beryahan

ka seexday fagaarihii

ha yeeshee sabab la,aan

umaan soo galin badkee

Sadarro qalqaloocanbaa

Ku saydhi waxaa i yidhi

Damiir samihiinna jecel

Saliilyada aan qabee

Saqdii dhexee aan la kacay

Hadii aanay igu simayn

ujeedada inaan sawiro

Waan soo gaagaabiyoo

Warkaygaan saafaayaa

lur sahan kaa baajiyaa

Loo saaraa geeddi awr

Sarbeebtana qeexisbaa

Ujeedada lagu sugaa

Runbaa sacab loo tuma

Dadkana isa seeg ka wayn

Qabyaalad sumaysan iyo

siyaasadi muu dhax marin

Dantuna waa seeto oo

Hadii aan lagu salayn

Sinaan waxtarkeeda guud

Sokeeye ma baylah tiro

Qabyada kuu sudhan degtoo

Safaad waxa kuugu filan

Kuwii aad saaciddeed

Saf dheer iyo bacadka kulul

U soognayd maalmehee

Miyay guul kuu sunteen

Nadaafad makuu sugeen

miyay sallaxeen dariiq

Sariibad makuu dhiseen

salado iyo daaro badan

Baloodhada siman carrada

Gawaadhi sabbaynaysiyo

Safaariyo laysu tolo

Cashuurteenoo la siro

Umaynaan siin codkee

Miyaydaan saluugga iyo

Salcaanka ka waabanoo

Caqligu sakatiba lahayn

haddaad sigateen in badan

Markaad ku socdaalaysaan

Tareen ka samaysan caws

Muddona soo joogayoo

Mishiinkiisoo sanqadhay

La sudhay qaraf aan damayn

saliid olol taabtaybaa

Idaylkii saaqayoo

Xaqiiq lama sahashadee

Holaca aad saarantahay

Malaha siqiddaa ka roon

Qabyaaladi saacadnaba

Sad iyo male fiicni oo

Xumaantay soofe iyo

U tahay saldhig buuxa oo

Waxay seejisaa bulshada

Barwaaqada lagu socdee

intaad isku seegaysaan

Siyaasi warkiisu yahay

inaad saartaan kursiga

Talana kuu sigib tirayn

inay ka sokayso garo

Xilkeedna ku saaranyahay

Dalkoo loo sahamiyaa

sanduuqa adaa xukuma

siyaasiga guul u hura

Adaa kala saari kara

Suureeya waxay rabaan

Arladu sabi iyo mid wayn

Sargoo marka aad tidhaa

Ayuu rabbi kuu sahlaa

Ha socon adigoon is hubin

Ha siin ruux aan mudnayn

Awoodaadana ku soco

Intaad saaftaan dadyohow

waxaad soo doorataan

Midkii saadaasha guud

Samaan loo tirin karee

Siyaasadda uu watana

Dantiinu ku salaysantahay

mid aan kala soocinoo

Bulashada kala saarinoo

Sinaanta daneeya oo

Su,aalaha aad qabtaan

Ka keena jawaabo sugan

Ka bogo waxad soo marteen

dalkana yaan salaw la galin

Sawaariikh iyo af xumo

Saxaafadda yaan la marin

intaad isa saamaxdaan

Salkana u dhigtaan rejada

ku dara filashada samaan

Hiigsina samirbaa wadoo

Ogow qaran wada socdaa

Saameeya aduunyadee

Ku faan Somaaliland.